Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji CaliHargeysa (ANN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay mawqifkiisa garsoorayaasha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo magaacabay iyo go’aanka lagu kordhiyey tirada guud ee garsoorayaasha ka hawlgeli doona Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo hadda laga dhigay 11 xubnood, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo magaacay 8 garsoore oo cusub, isla markaana xilalkii ay hayeen ee ka qaaday saddex garsoore.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, wuxuu qoraal kasoo saaray aragtidiisa ku waajahan garsoorayaasha Madaxweynuhu magcaabay iyo kuwa xilalka laga qaaday, isagoo tilmaamay in garsoorayaasha cusub ee la magaacabay yihiin qaar aqoon sare u leh sharciga, isla markaana uu u rajaynayo inay wax weyn ka beddeli doonaan dib-u-habaynta caddaaladda, wuxuuna madaxweynaha uga mahadnaqay tallaabada lagu kordhiyey tirada garsoorayaasha oo uu xusay inay yihiin tallooyin uu soo jeediyey oo Madaxweynu ku qancay.
“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuurga ah waxa uu uga mahadnaqayaa madadaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland kordhinta uu ku sameeyey Garsorayaasha Maxkamadda Sare, iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo garsoorayaal dacwadaha dhaqaaajiya. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey tallooyinkii uu u soo jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyada oo garsorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh, kuna soo dhex jiray Garsoorka muddo dheer, isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Waxa kaloo uu tilmaamay in garsoorayaasha la magacaabay wax weyn ka tari doonaan sidii loo dhaqaajin lahaa dacwado muddo dheer yaalay maxkamadaha, waxaannu yidhi; “Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib-u-habaynta caddaaladda iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo muddo dheer maxkamadaha iska dhex yaalay, una baahan in laga garnaqo.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale la filayaa inuu Isniinta maanta si faahfaahsan uga hadlo tallaabada madaxweyne Siilaanyo ku kordhiyey tirada garsoorayaasha Maxkamadda iyo faa’iidooyinka ay u yeelan doonaan dib-u-habaynta caddaaladda iyo ka garnaqa dacwado tiro badan oo muddo dheer yaalay maxkamadaha Somaliland.
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo ayaa u cuskaday qodobo dastuuri ah xilalka uu ka qaaday saddexda garsoore oo ka tirsanaa Maxkamadda Sare ee Somaliland, kuwaasoo kala ah; Garsoore Yaasiin Xasan Ismaaciil, Garsoore Axmed Xasan Dirir iyo Garsoore Cabdiraxmaan Madar Carraale, iyadoo tiradda guud ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare hadda ka kooban tahay 12 garsoore, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha iyo 8 garsoore oo madaxweynuhu magaacay shalay iyo saddex garsoore oo hore xilka u sii hayey.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.