Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Maxamadda Sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali, ayaa ka hadlay dacwad uu dhowaan u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi, taas

oo la xidhiidhay arrimaha doorashada ee golayaasha qaranka oo qaraar ay hore usoo saartay dhawr iyo tobban sannadood ka hor loo arkay inay ku tahay carqalad.

 

Garyqaan Aadan Xaaji Cali, oo maanta oo fasax ah xafiiskiisa lagaga duubay muuqaal laga baahiyay Telefishanada qaarkood, wuxuu kaga hadlay dacwada Madaxweynuhu u gudbiyay iyo qaraarka ay Madaxkadda Sare kasoo saartay 2005, arrinta doorashada golayaasha oo xilligan Maxkamadda laga sugayo in ay fasirto qaraarkaa oo dabar ku ah qaabkii hore ee doorashooyinka golayaasha, wuxuuna sheegay in Maxkamadda sare soo saaray go’aanka arrintaa.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta saami-qaybsiga iyo kootada haweenka, isagoo xusay in aannay ku jiran qoraalka Madaxweynuhu usoo gudbiyay arrinta Kootada ee Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.