Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilal kala duwan u magacaabay 17 xubnood oo noqon doona guddida fulinta KULMIYE ee Gobolka Awdal.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay KULMIYE, kaasoo u qornaa sidan; “Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.
“Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Guddida Fulinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, waxa maanta (shalay) oo ay bishu tahay 15 April 2017 loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Guddida Fulinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
1. Cabdiqaadir Daahir Ojor – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
2. Axmed Maxamed Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
3. Maxamed Sheekh Muuse Cumar – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
4. Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
5. Sahra Aw Cilmi Maxamuud – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
6. Deeqa Faarax Cadaawe – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
7. Safiya Cabdi Nuur – In maanta laga bilaabo ay ahaato Afhayeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
8. Yuusuf Nuur Muuse – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
9. Cumar Muuse Qalinle – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.
10. Maxamed Aadan Suldaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
11. Maxamed Siciid Aadam – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
12. Cabdirisaaq Axmed Ibraahim (Doob) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgalyada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
13. Axmed Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
14. Cabdiraxmaan Muxumed Rooble – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
15. Cabdisalaan Dayib Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
16. Axmed Xuseen Samaale – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal .
17. Cabdiqaadir Faarax Xasan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.
Waxa aan u rajaynayaa masuuliyiinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilalkooda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu ku saxeexan yahay Md. Muuse Biixi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa magacaabay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabilay, waxaannu yidhi; Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE u leeyahay abaabulka haweenka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubinta hoos ku qoran in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
– Kaltuun Haaruun Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE.
Waxa aan u rajaynayaa marwadda magaceedu kor ku xusan yahay in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilkeeda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE. “