Araweelo News Network

Dekedaberberaqalab1Dubai(ANN) Guddoomiyaha shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Sultan Axmed Bin Sulayem, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii loo horumarin lahaa dekedaha Afrika si dhaqaalaha qaaraddu u noqdo mid heer sare gaadha.

Sida lagu baahiyey shabakadda ka faaloota ganacsi Carabta ee magaceedu yahay Arabianbusiness, Guddoomiyaha shirkadda DP WORLD oo dhammaystay socdaal uu ku tagay dalal ku yaal Afrika oo ay ka mid tahay Nigeria, waxa uu soo dhaweeyey dadaal uu sheegay in ay wadaan waddamada Afrika oo ay ku doonayaan in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha oo la tayeeyo si adeegoodu u ballaadho, loona abuuro kobac dhaqaale.
“Xidhiidhka iskaashi ee wanaagsan ee aannu la leenahay dawladaha, gaar ahaan kuwa Afrika, kaas oo muujiya qayb wayn oo dalladda xidhiidhkayaga ahi waxay hoos ka xarriiqeen sida wadashaqaynta adeegyada danta guud iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ay u muujiyaan in loo baahan yahay horumarin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale si loo taageero kobac dhaqaale iyo soo jiidasho maalgalineed,” ayuu yidhi Guddoomiyaha DP World.
Waxa kaloo uu xusay in niyadda wanaagsan ee madaxda Afrika ku doonayso horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dekeduhu ka mid yihiin ay hortaagan yihiin caqabado ay ka mid tahay dhaqaale la’aan, balse shirkadooda iyo guud ahaan dawladda Imaaraadku dadaal ugu jirto sidii arrintaasi taageero ay uga gaysan lahaayeen, waxaannu yidhi, “Waxaannu u diyaarsannahay in aannu taageerno dedaallada lagu horumarinayo dekeddaha iyo xarumaha farsamo iyo adeegyada (logistics centres) si loo kobciyo doorka Isutagga Imaarkaadka Carabta iyo Dubai ku leeyihiin adduunka si loo horumariyo dhaqaalaha caalamka.”
Shirkadda DP World ayaa ka hawlgasha oo maamusha dekedo ku yaal dalalka Afrika oo ay ka mid yihiin; Senegal, Masar, Musaambiig, Jabuuti, Aljeeriya, Ruwaandha iyo Berbera oo dhawaan ay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland kala saxeexdeen heshiis mashruuc maalgashi lagu samaynayo dekedda oo DP World u saamaxaya inay gacanta ku hayso muddo 30 sannadood ah.