Cape Town(ANN)-Guddoomiyaha Shirkadda Isgaashiinta casriga ah ee Telesom, Mr. Abdikarim Mohamed Eid (CEO) ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Afrika” ee Hurrumarinta   Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda Afrika.

 

Abaalmarintan, ayaa lagaga dhawaaqay  14-kii November 2018,  Shirweynaha  caalamiga ah ee AfricaCom , kaasoo ay isugu yimaadeen in ka badan tobanaan kun oo qof oo ka socda Shirkaddaha Teknoolajiyadaha & Isgaadhsiinta ee Caalamka.

Guddoomiyaha Shirkadda Isgaashiinta casriga ah eeTelesom, Mr. Abdikarim Mohamed Eid (CEO) oo ku guuleystay abaalmarinta Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Afrika Isgadhsiinta.

Shirweynaha caalamiga ah ee lagaga dhawaaqay abaalmarinta uu ku guulaystay guddoomiyaha shirkadda isgaadhiinta casriga ah ee Telesom, ayaa ka qabsoomay Magaalada Cape Town ee dalka South Afrika.

 

HALKAN KA DAAWO: