Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa tilmaamay Somaliland u soo ceshan karto kalsoonideedii beesha caalamka ee la xidhiidhay nidaamka dimuqraadiyadda.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey kulan ay madaxda saddexda xisbi qaran iyo Guddiga Doorashooyinku ku kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland oo ka dhacay xarunta Akademiga Nabadda iyo Horumarinta, waxa uu ku baaqay in Somaliland looga baahan yahay sidii ay u soo ceshan lahayd kalsoonidii beesha caalamku ku qabtay oo ay dhaawaceen dib-u-dhacyada badan ee ku yimi doorashooyinka dalka.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe, waxa uu u soo jeediyey Komishanka Doorashooyinka in iyaga uu saaran yahay waajibka ugu wayn ee ka shaqaynta xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka, isla markaana waxa uu xisbiyada siyaasadda ugu baaqay in aanay isku cannaanan arrimaha u dhexeeya Somaliland oo ay ugu mudan tahay bixinta kharashaadka dhammaystirka diiwaangelinta iyo qabashada doorashada Madaxtooyada.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Doorashadan maantu way ka duwan tahay kuwii hore oo tan innaga ayaa lacagta badankeeda bixinay, beesha caalamku faraha ayey innaga qaadeen, wixii innaga dhexdeena ah dad aan waxba innagu darsan in aynu wax ogaysiino waa innagu fool-xumo, wixii innaga dhexdeena ah aynu innagu hoos u wada sheekaysanno. Dawladdu waxay ballanqaaday afar milyan oo dollar oo ay diiwaangelinta ku dhammaystirto, sicir-barar baa dhacay oo wax baa is dhimay, laakiin waxay yidhaahdeen diyaar baanu nahay oo waanu bixinaynaa, mar hadday yidhaahdeen waanu bixinaynaa oo arrintu (kaadh-qaybintu) shalay (22/04/2017) in ashkatada laga daayo weeye, weliba Komishanka waan ogahay oo qolada beesha caalamka iskuma fiicnidin, dawladdana haddaad isku fiicnaan waydaan xaggeed wax u wadi doontaan? Markaa idinku inaad xidhiidhka dawladdiina iyo beesha caalamka hagaajisaan ayaa habboon, kharashka doorashadana Madaxweynuhu wuu ballanqaaday oo annagaa bixinayna ayuu yidhi, markaa doorashadii lama gaadhine in laga warsugo weeye ee in aynu is cannaano maaha, axsaabtuna inay arrintaa ku degdegto maaha, Komishankana madaxweynuhu waa idiin diyaar inaad tidhaahdaan soo bixiya halkii milyan ee ay ballanqaadeen, lacagtii kale ayaad iminka isticmaalaysaan ee ha iska didinina oo xidhiidhkiina ha xumaynina ayaan idin leeyahay.”
“Doorashadana sumcaddii dalku lahaa inaad soo celisaan ayaanu doonaynaa oo waddamadaa iminkana innaga niyad-jabay in aynu niyadoodii soo celino ayeynu doonaynaa, waxa lagu soo celinayaa waxa weeye doorashooyinku dib bay u dhaceen, mid iminka waa la hagaajiyey oo bisha November sannadkan ayey dhici doontaa, tii Baarlamanka (Golaha Wakiillada) ee haddana Guurtidu kordhisay waynu ka tashan doonaa ciddii soo baxda (madaxweynaha la doorto), laakiin waa in aynu nidaamkii bilownaa oo la arko wixii in aynu diyaar u nahay oo guddigii qaran ee Madaxweynuhu ku ballanqaaday ee ka shaqaynaysay saami-qaybsiga kuraasida Wakiillada in hadda la magacaabo oo shaqadii bilaabanto weeye, markaas ayuu adduunku arkayaa in ay innaga dhab tahay, laakiin haddii aynu wax ballanqaadno oo aynu iska yuurarsanno,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo Guddoomiyaha UCID soo dhaweeyey xeerka Anshaxa kaadh-qaybinta oo uu ku tilmaamay mid aan khusayn xisbiyada siyaasadda, balse ku saabsan ilaalinta hab-dhaqanka iyo xuquuqda muwaadinka ee xilliyada qaadashada kaadhka iyo codaynta, waxaannu ku dhiirrigeliyey Guddiga Doorashooyinka inay isticmaalaan awooddooda. “Arrintan anigu waxaan isku hayaa ma saxeexdaa mise waad iska daysaa, sababta waxa weeye ummaddu haddaanay waxay saxeexdo hirgelinayn maaha in waqtiga la iskaga qaado, dadkeennu maaha ummad sharciga ilaalisa, madaxdeenna iska daa sharciye laba carruur ah ma kala qaban karayaan oo waad khaldantahay hebelow ayaa xataa innagu adag, distoorka waynu jabinaa, xeerarka waynu jabinaa, hay’adaheennii sharciga ma isticmaalayaan, waynu ogayn wixii ka dhacay diiwaangelintii hadda socotay, mar haddaad waar xisbi hebelow waad khaldantihiin ka xishoonaysaan oo aydaan ku dhici karayn xisbigaasi waxaas ayuu jabiyey xisbi xaakim ha ahaado ama mucaarad ha ahaadee maaha hoggaamintu caynkaa, masuuliyaddu waxa weeye in dadka iyo hay’adaha la kala qabto qofkii khaldan, waraaqo la iska saxeexaa waa warqado iska yaala oo haddaan la dhaqangelinayn wax macno ah oo ay leedahay ma jirto, waan idiin saxeexayaa laakiin kuma kalsooni in waxani hirgelayaan,” ayuu yidhi Md. Faysal.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Guddoomiyaha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Mr. Maxamd Faarax Xirsi, ayaa soo dhaweeyey saxeexa xeerkan oo ay isku raaceen inuu muhiimad wayn u leeyahay in doorasho wanaagsan oo xor iyo xalaal ahi ka qabsoonto dalka, waxaanay kula dardaarmeen madaxda axsaabta inay taageerayaashooda ku ilaaliyaan hab-dhaqanka wanaagsan ee xeerkani dhigayo.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isagu u saxeexay xisbigiisa xeerkan, ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqaynayaan Komishanka, diyaarna u yihiin dhaqangalinta xeerkan.
“Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Axsaabta qaranku waxay halkan ku saxeexayaan xeerkii Anshax oo ah kaadh-qaybintii, taas oo noqonaysa marxaladii ugu horraysay ee diyaargarawga doorashadda soo socota ee Madaxwaynaha, xisbi ahaan sidii aannu kuwii horeba ugala shaqaynay ayaanu iminkana si buuxda oo aan gargaroocasho lahayn oo sida WADDANI aan lahayn haddii oo sida WADDANI digniin baanu bixinaynaana lahayn ayaanu barmaamijkan uga shaqaynaynaa,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Haseyeeshee, Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa ku eedeeyey xukuumadda in aanay ka soo bixin waajibaadkii ka saarnaa qabashada doorashada, gaar ahaan bixinta dhaqaalihii lagu qaban lahaa, waxaannu yidhi, “Xeerkan maanta halkan lagu saxeexayaa waxa uu dhaqangali doonaa marka ay xukuumaddu ka soo baxdo xilka ka saaran kaadh qaybinta iyo doorashooyinka oo ah in ay ka soo baxdo xagga nabadgaliyada iyo la shaqaynta Guddida Doorashooyinka iyo hirgelintiisaba, laakiin dhibta talaa ee run in laga sheego ahi waxa weeyaan inaanay wali xukuumaddu bixin dhaqaalihii ilaa hadda doorasho lagu gali lahaa ee waxaas aynu hadda saxeexayno lagu dhammaystiri lahaa oo aanay ilaa hadda bixin oo hal milyani hadda ku hadhsan yahay.
Xukuumadda lacagta ku hadhsani waa halmilayn oo ah tii kaadhadhka iyo afar milyan oo ah tii doorashooyinka oo aanay wali xukuumadu bixin, waxaana loo baahan yahay si doorasho loogu diyaar garoobo in ay xukuumadu bixiso lacagtii xaga doorashada iyo xaga kaadh qaybinta kaga aadanaa.”