Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa socod kormeer ah ku maray
goobo muhiim ah oo ku yaal Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Goobaha uu kormeerka ku tegay Guddoomiyaha UCID waxa ka mid ah suuqa weyn ee ganacsiga, sayladda xoolaha, Xarunta Hal-karaan iyo Xarunta Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Burco ee Togdheer Media.
Guddoomiyaha UCID iyo waftigiisu, waxa ay subaxnimadii hore ee shalay booqasho kadis ah ku tageen suuqa ganacsiga ee Magaalada Burco, iyadoo uu halkaas-na ay kala kulmeen soo dhawayn diiran, waxaannu Guddoomiyuhu u kuur-galay xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin bulshada ku ganacsata suuqaasi, maadaama uu jiro sicir-barar saamayn ku yeeshay dalka Somaliland, iyadoo dadka uu la kulmay ay cabbireen dareenkodoa sicir-bararka iyo saamaynta uu ku leeyahay noloshooda ganacsiga, kuwaasoo codsaday in loo baahan yahay xal degdeg ah oo wax lagaga qabto sicir-bararka.
Waxa kaloo Guddoomiye Faysal Cali-waraabe uu u gudbay dhinaca sayladda lagu iibiyo xoolaha ee magaalada Burco, isagoo bulshada uu halkaas kula kulmay ka xaal-waraysteen sida noloshoodu tahay iyo saamaynta abaartu ku yeelatay xoolahooda, waxayna dadku u sheegeen in xoolihii lagu haystay dhulka miyiga ah ay dhammaadeen, balse hadda sayladda lagu iibiyo xoolaha balladiga ah ee ku dhex nool magaalooyinka, waxa kaloo ay u caddeeyeen guddoomiyaha in sicir-bararku sababay in qiimaha xooluhu sare u kaco.
Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale booqday Xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee Hal-karaan oo ku taal magaalada Burco, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta bahda Hal-karaan, kuwaasoo xusay in Eng. Faysal Cali-waraabe yahay guddoomiyihii koowaad ee xaruntooda booqda, taasoo ay sheegeen in la aasaasay sannadkii 2009-kii.
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee Hal-karaan ay tahay goob dhallinyarada reer Burco ka faa’iidaystaan, isagoo xusay in buugaagta ku qoran luqadda Soomaaligu ay ku yar yihiin xaruntaas oo uu ku baaqay inay u baahan tahay in laga wada shaqeeyo horumarinteeda.
Murrashaxa Madaxweynaha ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale booqday Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Burco ee Tog-dheer Media Center, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxda iyo suxufiyiinta ka hawlgala xaruntaas, kuwaasoo xusay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimmi Guddoomiyaha UCID.