Hargeysa(ANN)-Guddi iskood isugu xil-saaray sidii loo damin lahaa xiisada ka taagan muranka Komishanka doorashooyinka ee dhowaan golaha wakiilladu ansixiyay, kuwaas oo xubinta xisbiga WADDANI, laga sugayay weli dhankooda ku maqanyahay.


Khilaafka arrintan, ayaa sababay in xisbiga WADDANI, ku baaqo isu soo baxyo, isagoo arrintaa aad u canbaareeyay, isla markaana xukuumadda ayaa xisbiga dhigtay Afhayeenkii iyo Xoghayihii xisbigaa, iyadoo Ciidanka Booliska Somaliland hore uga digeen isu soo baxyada uu ku baaqay guddoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaana arrintan soo galay si xal loogu helo Siyaasiyiin, Dallada SONSAF, Ganacsato, Aqoonyahan iyo Abwaanno, kuwaas oo maanta bilaabay inay dhexgalaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyay, waxaana ka hadlay hawsha dhexdhexaadinta guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, ” Arrintu waa arrin qaran ee maaha arrin labada xisbi ah, waana arrin sharci oo aanu difaacayno, waxaa nagu jira Madaxweynayaashii hore, ururadii Bulshada oo Anwar oo ka socda( SONSAF), waxaan la kulanay wasiirka arrimaha gudaha, dhinaca WADDANI, labaduba way naga aqbaleen ergadii, inay WADDANI, waxan ka codsanay inay joojiyaan isu soo baxii oo ahaa mid ay xaq u lahaayeen maadaama la dhibsaday, qoladana inay soo daayaan dadka xidhan.”

Akhri: SONSAF Oo Canbaaraysay Xadhiga, Saraakiisha WADDANI, Xarunta Telefishanka Horn Cable Iyo Isu Soo Baxyada


Guddoomiye, Faysal waxa uu sheegay in markaa kadib ay Madaxweynaha arrinta ula tegi doonaan, wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen UCID iyo WADDANI, ku tilmaamay mid arrimahan lagaga hadlayay, balse aanu ahayn mid ujeedo kale laga lahaa.
Sidoo kale mar weriyayaashu weydiiyeen arrinta muda kordhinta ee guurtidu wado, wuxuu sheegay in marka ay hawshan dhammeeyaan ay la kulmayaan golaha guurtida, isla markaana u gudbinayaan wixii tallooyin ah ee ay hayaan.
Arrinta dhexdhexaadinta xisbiga mucaaradka ee WADDANI iyo Xukuumadda, ayaa ka danbaysay kadib markii shalay guddoomiyaha Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan sheegay inay hawl dhexdhexaadin ah ka gelayaan xiisada siyaasadeed ee taagan, waxayna ku baaqeen in lasoo daayo saraakiisha WADDANI, ee la xidhay, isla markaana xayiraada laga qaado xarunta Telefishanka Hprn cable oo xukuumaddu xidhay shalay, iyadoo sidoo kale la xidhay Tafaftirihii Telefishanka Horn Cable Cabduqaadir Saleebaan Casayr (Cabduqaadir Coday).