faysal UCIDHargeysa (ANN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in dalalka caalamka ee daneeyaha arrimaha Soomaalidu la yaaban yihiin sida Turkigu u wado hawlaha wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal u jeediyey taageerasha xisbiga UCID ee dalka Jarmalka, isagoo safar ku jooga halkaa, waxa uu salluug xooggan ka muujiyey qaabka loo wado wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu afduubtay wadahadalkaas.
“Waxa taagan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya saddex sannadood iyo badh ayey socdeen, markii horena si fiican ayaanu u bilawnay, waxaana lagu heshiiyey in loo wadahadlo inaga oo kala ah sidii 60-kii (1960) laba qaran, laba dawladood oo ka tashanaya xidhiidhka u dhexayn doona, sidii ay wadahadaladu u socdeen oo aanu ku heshiinay inay arrintaas lix waddan dhexdhexaadiyaan ayuun baa mar dhexe Turkigu dhexda kala booday, cid kalena uma ogola, waxaannu Muqdisho la fadhiyaa kuwii uu ina dhexdhexaadinayey (Soomaaliya), meel uu wadahadalkaas u wadaana ma jirto, duniduna way yaabsan tahay, anaguna waanu yaabsanahay, markaasbaa ka darane kuweena (Somaliland) ayaa ka horaynaya marka uu u yeedho, dhawr jeerna dhexda ayey ka soo noqdeen intay kuwa kale u jareen bal maxay ku ordayaan,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe, waxaannu intaas ku daray; “Dadka waxaynu moodaynaa inaynu ka ilbaxsanahay ee inaga ayaa u badawsan, xafiisyada garan mayno, sida ay dawladuhu u shaqeeyaan garan mayno, xidhiidh lama lihin Afrikaanka iyo Soomaalida, inaga dhexdeenana ma lihin oo qabiilooyin ayeynu u kala fadhinaa, ictiraafkana hees laguma helo ee tacab ayaa lagu helaa, socdaalkii aan u bixiyey socdaalka middaynta markii aan Somaliland ka immi waxaan kaga tagay niyad-xumo, waxaanan isku hayey ma ku noqotaa iyo ma iskaga tagtaa. Waayo marka aad aragtid ummad dhan oo aan wax danguud ka hadlaya jirin, markaad aragtid ummad dhan oo mikirifoon sidata oo is wada caayeysa, markaad aragtid maalin kasta suldaan dhalanaya, meesha uu suldaan dhashaana waa meel aan dawlad jirin, marka dawladdu adkaato suldaanku wuu diciifayaa, waana laga tagayaa, magtuna way yaraanaysaa, caddaallad ayaa imanaysa, hay’addo cusub ayaa samaysmaya, inaga hay’adaheennii way daciifeen,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu dhalliil u jeediyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada oo uu ku eedeeyey inay iska kaashadeen sidii dib loogu dhigi lahaa doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Haddii aannu nahay asxaabta, waxaannu soo saaraynaa baarlamaan (Golaha Wakiillada), markaa waxa Golaha Wakiillada looga baahan yahay inay dawladda ilaaliyaan, laakiin marka ay dawladdii iyo baarlamaanku is-raacaan, kuna heshiiyaan inay sharciga jabiyaan, mudanaha wakiilka ah ee la soo doortay ee ay ahayd inuu shan sanno fadhiyo uu doonayo inuu ka badan fadhiyo, sharci kastoo dawladdu keentana u saxeexo, markaa cidna wakiil kama aha oo dawladda ayuu wakiil u yahay, taasina waa waxyaabaha dalkeenna ka taagan maanta.
Baarlamaanka shan sanno ayaa la doortay, in ka badana way fadhiyaan, mana jirto wax ay u qabteen dadka soo doortay, kumana shaqeeyaan barnaamijka xisbiyadii ay ka soo baxeen, wax ay u qabteena ma jirto. Dawladda iyo baarlamaankii (Golaha Wakiillada) waxay ku heshiiyeen dhabarka ii xoq aan dhabarka kuu xoqee, ii kordhi aan kuu kordhiyee, maantana waa taas la arkayo in doorashadii dib u dhacayso, laakiin waxa leeyahay wallee muddo-kordhin hadiyad la idiin siin maayo, waxaana muhiim ah in baarlamaanku (Golaha wakiilladu) tago (la kala diro), dawlad loo dhan yahayna la dhisi, mana jiro nin baarlamaanka ku jira oo haddii uu degaankiisii tago dib loo soo dooranayo.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in aanay muuqan saansaan muujinaya in doorashooyinku ku qabsoomayaan xilliga loogu talogalay ee 26-ka June 2015, waxaannu yidhi; “Doorashadda waxa loo adeegsaday khidad oo ilaa hadda lama keenin qalabkii lagu samayn lahaa doorashooyinka, ilaa saddex biloodna way qaadanaysaa, marka ay yimaadaan ee la bilaabo diwaangelinta codbixiyeyaasha waxay soconaysaa afar bilood, sharciguna waxa uu qorayaa doorashaddu ha dhacdo lix bilood kadib marka ay dhammaato diiwaangelintu. Qaar ayaa lahaa dawladdu waa inay ku dedaasho inay doorashadu wakhtigeeda dhacdo. Ma carruur ayey u sheekaynayaan? Waxaanu arkaynaa in aanay doorashaddu wakhtigeedii dhacayn, waana arrin taagan,” ayuu yidhi; Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo muddooyinkii u dambeeyey safar ku maray qaar ka mid ah dalalka Yurub, haddana ku sugan dalka Jarmalka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews