Araweelo News Network


Boorama(ANN)-Guddoomiyaha Xsibiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in ay ku guuldaraysatay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Sicir-bararka oo uu sheegay inay kaga mashquushay sidii ay usoo saari lahayd Muuse Biixi oo ah Murrashaxa KULMIYE.

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu bulshada Boorama ugu baaqay in ay kala doortaan Laba Murrashax Madaxweyne ku xigeen oo kala ah KULMIYE iyo WADDANI ah iyo Murrashax Madaxweyne oo UCID ah.

Khudbaddii Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo ka jeediyay munaasibad lagu daahfurayay qaadashada Kaadhadhka diiwaangelinta oo lagu qabtay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Halkan Ka Daawo: