Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ka tirsanaa madaxda saree e Xisbiga mucaaradka WADDANI, ayaa ku dhawaaqay in uu ka baxa Xisbiga WADDANI.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ah Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaa oo ka hadlay is casilaada Xildhibaan Rayte, ayaa u sheegay Telefishanka Horn Cable TV, in Xidhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ah Aqoonyahan marka horeba uu xisbiga xoriyadiisa ugu soo biiray, xilligana uu go’aankiisa shaqsi kaga baxay.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in Xildhibaan Rayte oo muddo dheer ay golaha wakiilada ku wada jireen uu ixtiraam baddan u hayo, isla markaana uu yahay aqoonyahan ku socda afkaartiisa iyo waxa uu aaminsanyahay. Sidaa awgeed uu Xisbiga WADDANI iskii uga baxay, balse uu jeclaan lahaa haddii uu go’aansado inuu dib ugu soo laabto WADDANI.

Halkan ka Daawo Xildhibaan Rayte.