Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Xisbul xaakimka WADDANi, Xirsi Cali X Xasan oo ka hadlay furitaanka xarunta labaad ee Xisbiga ee Hargeysa, ayaa sharaxy ujeedada loo furay xarunta cusub ee Xisbiga iyo qorshayaasha la doonayo in la meel mariyo.

Guddoomiye Xirsi, wuxuu mmunaasibada ka jeediyay qorshaha Xisbiga guushii doorashada kaddib iyo qaabka ay doonayaan xisbi ahaan in masuuliyiinta xukuumadda ula shaqeeyaan, sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay in masuuliyiinta xilalka hayaa u yimaadaan hoggaanka Xisbiga si ay ula xisaabtamaan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in xukuumaddu soo dhowaysay soo jeedinta Guddoomiyaha Xisbiga oo ay masuuliyiinta xukuumaddu wixii hadda ka danbeeya siinayaan warbixin la xidhiidha masuuliyada xilalka ay hayaan.

Guddoomiye Xirsi oo khudbadiisa kaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha sidii masuuliyiinta xafiisyada dawladda jooga iyo xisbigu isugu xidhnaan lahaayeen si loo fuliyo blanaqaadkii Xsbiga ee xilligii ololaha doorashada 13 Nov 2024. sidaa awgeed Guddoomiye Xirsi, wuxuu sheegay in masuuliyiinta xukuumadda looga baahanyahay in xaiisyadu noqdaan kuwo bulshada u furan si loo helo adeega bulshadu ka filayso.

Khudbada, ayuu sidoo kale ku sheegay in tallaabooyinka iyo qorshayaasha ay doonayaan noqonayaan kuwo ay kula soconayaan hawlaha xukuumadda si ay xog-ogaal ugu noqdaan Xisbiga.

Halkan ka Daawo khudbada Guddoomiye Xirsi