Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay maalinta beri isugu yimaadaan xaruntooda guud ee magaalada Hargeysa.


Guddoomiye Cirro, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula haday guriga uu magaalada ka deganyahay ee duleedka Jaamacadda Hargeysa, isagoo xusay in taageerayaasha WADDANI, lagu wargelinayo fariimo muhiim ah oo sida uu sheegay qaranka lagu badbaadinayo. sidaa awgeed ay maalinta beri siddeeda subaxnimo isugu yimaadaan xarunta xisbiga.


“Waxaa inoo cadaatay in Muuse aannay ku hadhin waxaan ahayn muran iyo garnaqsi aan dhammaad lahayn, haddaba mar haddii ay kaalintooii gabeen golayaasha qaranka oo hawshan lahaa, maanta taladu waxay u taallaa wax garadka umadda, si ay u badbaadiyaan qaranimada, waana in laysugu yimaadaa madal qaran, taageerayaasha Xisbiga WADDANI, ee gobolka Maroodi-jeex waxan u sheegayaa in beri siddeeda subaxnimo ay isugu yimaadaan xarunta xisbiga si loogu sheego fariimo muhiim ah oo qaranka lagu badbaadinayo.” ayuu yidhi, Guddoomiye Cirro.


Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi xukuumaddiisu ku ce-celinta ku eedeeyay Xisbiga Xamar ay tahay arrin sal iyo raadtoona lahayn oo bur-burinkarta qaranka, isagoo yidhi, “Muuse iyo xukuumaddiisa iyo xisbiga KULMIYE, waxay caadaysteen kuna soo celceliyaan in Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisu xidhiidh la leeyihiin Soomali weyn, umadda waxaan u sheegayaa in Muuse iyo gacabyarayaashiisu ku celcelinta arrintaa u adeegsadaan kala qaybinta Bulshadda walaalaha ah ee ay ahayd inay mideeyaan, waxaana Muuse u dheer Muuse adeegsiga arrintaa, isagoo u jeeda Deegaan gaar ah, danta uu ka leeyahayna ay tahay kala haynta iyo kala qaybinta Bulshada Somaliland ee walaalaha ah, waana arrin sun iyo waabay ku ah dawladnimada, sida daxalkana u cunaysa qaranimada iyo wadajirka Somaliland.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI.


Dhinaca kale, wuxuu Guddoomiye Cirro sheegay in aannu isagu saxeexin xeerka lagu soo xulo xubnaha Komishanka ee Xeer: L/No. 20, kaas oo uu sheeg in Madaxweyne Cigaal saxeexay 2001, isagoo yidhi, “waxan filayay markii Madaxweynuhu ka qaybgalay Carwada Caafimaadka inuu ka hadlo dhibaatada xanuunka Kuududiyaha, balse waxa muuqatay in Muuse aanu xog-ogaal u ahayn dastuurka iyo xeerarka dalka, wuxuu dadka ka hor sheegay inaan anigu saxeexay xeerka lagu soo xulayo komishanka qaranka, xeerka lagu aasaasay Komishaka ee Xeer: L/No. 20/ 2001, waxa saxeexay Madaxweyne Cigaal Desember 2001. ee Cabdiraxmaan Cirro ma saxeexin, waxayna ina tusaysaa in aannu madaxweynuhu xog-ogaal u ahayn xeerarka dalka, waana sababta uu ugu tumanayo xeerarka Madaxweynuhu ayaan qabaa.” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.