Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANi, ayaa xaqiijiyay xadhiga Af-hayeenka DDANI, Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayihii Xisbigaa, Khadar Xuseen Cabd, kuwaas oo xukuumaddu caawa xabsiga u taxaabtay.


Guddoomiye, Cabdrixamaan Cirro, wuxuu sidaa ku xaqiijiyay barta uu ku leeyahay shebekadda Facebook oo uu caawa soo dhigay qoraal kooban, wuxuuna xadhiga saraakiisha Xisbigiisa ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.


“Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.” ayuu ku yidhi, Guddoomiyaha WADDANi, qoraakiisa, isagoo xusay in dareenka shacabka aan xadhig iyo wuxuu ku tilmaamay cabudhin lagu joojin karin ee subaxnimada ay xarunta dhexe isugu imanayaan.


Ciidamo Boolis ayaa la geeyay agagaarka xarunta xisbigaa WADDANI, caawa fiidkii, iyadoo xukuumaddu ku tilmaantay isu soo baxa uu ku baaqay guddoomiyaha WADDANi mid aan sharci ahayn oo aanay aqbalayn.