Gudoomye Cirro1

Hargeysa(ANN)Guddomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo hogaamiya Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ugu baaqay shacbiga Somaliland in ay u hiiliyaan. Kadib markii Ciidamada Amaanku Caawa xabsiga u taxaabeen Xoghayihii Golaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Guddoomiya Ciiro oo kasoo galay Caawa safar uu maalmahan ugu maqnaa Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo uu ka furtay Xafiisyo Xisbigiisa ah, ayaa ka hadlay Ciidamada Amaanka oo la wareegay xarunta Golaha Wakiilada shalay, wuxuuna ku tilmaamay Arrintaa mid muujinaysa sida Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u doonayso in ay inqilaabto Golaha wakiiladda ee Shacbigu soo doortay,
Guddoomiyaha WADDANI, wuxuu sidaa ka sheegay Caawa saqdii dhexe mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo cadeeyay xadhiga Xoghayaha Golahaa oo uu ku tilmaamay mid sharcidaro ah.
Xarunta Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa la dhoobay Ciidamo, iyadoo aan la ogayn sababta ka danbaysa ciidamada isku xeeray Golaha Wakiiladda, balse waxa jira warar sheegaya inuu jiro mooshin la doonayo in maalinta Sabtida ee 15 Nov 2014, fadhiga golaha lasoo dhigo mooshin ka dhan ah Guddoomiye Cirro, iyadoo hore qorshuhu ahaa in golaha oo fasax ku jiray laga ansixiyo Komishanka Cusub ee Doorashooyinka iyo xeer muran dhaliyay oo lagu eedeeyay Guddoomiye Cirro inuu wax ka bedelay lifaaq daraafkiisa ahaa oo goluhu hore u ansixiyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com