Gudoomye Cirro1Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qoraal Madaxweyne Siilaanyo usoo qoray golaha wakiiladda Somaliland, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku diiday go’aanka ay 30 August 2015, ku laaleen heshiiska qarsoon ee Haammaha Kaydka Shidaalka loogu wareejinayo shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay.

Sida uu warbaahinta u sheegay saaka Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee WADDANI, Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu qoraal jawaab u ah go’aankaa oo uu ku diiday, taas oo Guddoomiye Cirro sheegay in aanay Dastuurka meela kaga ool in Madaxweynuhu ku celiyo go’aan golle.
“Go’aan buu Goluhu gaadhay madaxweynuhuna waraaq buu soo qoray ay ku qoran tahay inuu Soo Celiyey Go’aankii Golaha, Warqadduna waxa ay timi Hadda, Goluhuna isagaa Go’aan ka gaadhi Doona.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland, wuxuu ku dooday in aan soo celinta Go’aanka Golluhu hore u gaadhay ee waqtigan Madaxweynaha ka timi aanay Dastuurka meel ku lahayn, isla markaana aanay jirin qoddobo distoori ah oo qeexaya Hannaanka looga gudbi karo, marka laga yimaado Talo uu sheegay in Goluhu isaga iman doono, “Golluhu waxa uu Madaxweynaha u gudbiyo inuu soo celiyo iyo inaanu soo celin Distoorka kuma cadda Caaddana may ahaan jirin, waxayna ay u baahan tahay in si sharciga waafaqsan uu Goluhu Go’aan uga qaadan doono.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Arrintan ayaa u muuqata mid muran sharci ka dhex abuuri karta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Gollaha Wakiiladda Somaliland, waxayna xiisadani dabada ku haysaa dano dhaqaale oo la doonayo in cid gaar ah loogu daneeyo, isla markaana heshiiska xukuumaddu doonay inay ugu gacan geliso Kaydka Haammaha Shidaalka shirkado qaarkood hadda la yegleelay, basle waxa jira xoggo la xidhiidha arrimahaa oo sheegaya inay shirkadaha qaarkood doonayaan in keligood lagu wareejiyo, taas oo sababtay in gollaha wakiiladdu heshiiska laalo ka hor inta aanu soo shaac bixin.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com