Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir, ayaa shalay hor-tegay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ka dib markii sida la sheegay ay Dacwad ku oogeen Marwada Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, isagoo ku tegay yeedhmo uga timi Maxkamadda habeen-hore.

Guddoomiyaha Wargeyska, ayaa sheegay in sida sharcigu dhigayo iyagoo ixtiraamaya uu hor-tegay Maxkamadda markii looga yeedhay ka dib, isla markaana uu Guddoomiyaha Maxkamaddu ku wargeliyey in Dacwad loo haysto oo lagu soo oogayo, sidaa awgeedna looga baahan yahay inay Ogaal ahaan is-difaacaan marka eedaha rasmiga ah ee loo haysto Maxkamadda loo soo gudbiyo. Taasoo uu aqbalay Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal, isla markaana uga mahad-celiyey Guddoomiyaha Maxkamadda.

“Maanta (Shalay) waxa Maamulka Wargeyska Ogaal hor-tegay Maxkamadda gobolka Hargeysa, ka dib markii Maxkamaddu u yeedhay. Gudoomiyaha Maxkamaddu wuxuu ku wargeliyay in dacwad loo haysto, isla markaana ay u diyaar garoobaan siday isu difaaci lahaayeen marka eeddu soo gaadho Qareennada Wargeyska.” Sidaa ayuu ku yidhi Muuse Jaambiir Qoraal uu ku baahiyey xalay Barta uu ku leeyahay Shabakadda Barkulanka Bulshada ee Facebook.

Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo sii waday qoraalkiisa waxa uu yidhi; “Wargeysku wuxuu diyaar u yahay inuu isdifaaco, kalsooni buuxdana wuu isku qabaa. keliya wuxuu u baahan yahay Xeerbeegti dubbaha Xaqsoorkoodu aanu ka cabsannin awoodda cidda aannu is hayno. Inkastoo Garyaqaan Aadan Xaaji Cali (Guddoomiyaha Maxkamadda sare) intii uu hayay xilka Maxkamadda sare oo koobnayd la tilmaamayo tallaabooyin uu u qaaday dhinaca soo noolaynta Garsoor la isku hallayn karo, sida in meesha laga saaro in qofka la iska xidho. Haddana, intaa lafteeda waxa loo arkaa in aanu ku dhibaato la’ayn.”

“Hase-yeeshee, tallaabada wanaagsan ee la qaadaa waxay u baahantay dhiirrigelin, si maalinta dambena mid loo qaadi karo. Waayo? Garsoor dhab ah la gaadhi maayo inta Waaxda Garsoorku ay u garba-duuban tahay Waaxda Fulinta ee Madax-bannaanideedu maganta u tahay Wasiir Madaxweyne magacaabay. Laakiin, haddii aan la quusan oo la taageero Ka dedaalaya, waa la gaadhi aakhirka Insha Allaah. Waa innoo farriimo kale iyo wixii ka soo kordha kiiska, marka eedayntu soo gaadho Qareennada Ogaal.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Qoraalkiisa ku soo gebo-gabeeyey Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews