M Biixi So dhowayn

Photo File Guddoomiye Muuse Biixi, By. Araweelonews.com

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa u anbabaxay Dalka Marooko ee Galbeedka Afrika, halkaas oo uu kaga qaybgelayo Shirka Hoggaamiyaasha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika (African Liberal Democratic Parties) oo lagu qabanayo Dalka Marooko.
Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbul Xaakimka Xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ee Talada dalka haya, ayaa maanta ka boqoolay Madaarka Caalamiga ah ee Egal international Airport.

Xisbiga Kulmiye wuxuu xubin ka noqday Golaha Dumuqraadiyada Axsaabta Afrika, kaas oo uu xubin ka noqday KULMIYE sanadkii 2012, iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ka qaybgalay markii u horaysay shirka Golaha Axsaabta Dumuqraadiga ee Afrika Oct 2012, kaas oo lagu qabtay Magaalada Abidjan ee Dalka Dalka Ivory Coast.

Wixii kasoo kordha Safarka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi kala soco shebekada Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com