Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanbalyeeyay Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM, Cabdikariim Maxamed IId, abaalmarinta uu ku guulaystay ee Shirkadda ugu wanaagsan horrumarinta  Isgaadhsiinta Qaarada Afrika.

Sidaa waxa yidhi, Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal, oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Guddoomiyaha TELESOM, guul iyo sumacad usoo hooyay Somaliland, isla markaana wuxuu xusay in haddii aan laga joojin xadhiga Cable-ka Fiber-optic ay doonayeen in ay Berbera kasoo roggaan ay maanta shirkadda Telesom laba abaalmarinood ku guulaysan lahayd.

 

“Shirkadda Telesom haddii gacanta loo sii daayo oo loo ogolaado wax baddan oo aan laga joojin  in ay Fiber-optic samayso  oo Berbera  kii ay keentay aan laga joojin, laba billadood ayay heli lahayd, haddana waxaanu leenahay haloo sii daayo oo hanalaga joojiyo kan dadka lagu dhegaysanayo”ayuu yidhi,  Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

 

Halkan Ka Daawo Eng. Faysal Cali Waraabe.