Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dayriyay mustaqbalka Somaliland haddii ay qabsoomi waayaan. Doorashooyinka Golayaasha Wakiiladda Iyo Deegaanka oo marar baddan dib u dhacay.

Eng. Faysal, waxa kale oo uu ka hadlay kulamada muddooyinkii u danbeeyay dhexmarayay Hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ergooyin doonayay in xal loo helo murranka ka taaggan arrimaha doorashooyinka.

“Kulamo baddan oo mararka qaar khilaaf naga dhexeeyay, qolada WADDANI, waxay ku doodayeen markii horre in Komishanka la kala diro, anagana waxaan lahayn hala kordhiyo, markiaa ayaan qolada WADDANI, ku qancinay in KULMIYE lagu qasbo in labada xubnood lagu kordhiyo Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka, iyaguna ay ka hadhaan in la kala diro, way nala qaateen WADDANI, Kulmiyena waxay sheegeen inay Madaxweynaha usoo sheegayaan, balse waxay noogu soo jawaabeen in Madaxweynuhu arrintaa diiday, maalintaa kadib ayaan mar kale kulanay qolada I KULMIYE, waxayna noo sheegeen in Madaxweynuhu aqbalayn labada xubnood in la kordhiyo.” ayuu ydhi, Guddoomiye Faysal oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

“Madaxweyne Muuse Biixi,ayaan markaa kadib la kulanay, waxaana laysla qaatay in labadii xubnood lagu daro Komishankad doorashada a la qabto March 2019, waxaase ayaandaro ah in markii kulankaa kii ku xigay ku kulanay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro sheegay in Xisbiga laba xubnood oo kale u hadlayaan, kuwaas oo madasha ka sheegay in aanay Xisbi ahaan ku qanacsanayn heshiiskii horre loo gaadhay, Isla markaana mawqifkoodu yahay in la kala diro Komidhanka.” Ayuu yidhi. Faysal.

Sidoo kale Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in dublamaasiyiinta ka socday Dalalka Somaliland ka taageera oo dhowaan booqasho ku ymi dalka Iyo kuwo xidhiidh lasoo sameeyay xukuumadda iyo Asxaabtaba ay doonayaan in la qabto doorashooyinka, Isla marakana waxa keliya ee Madaxweynaha Somaliland la weydiiyaa ay tahay arrinta Doorashooyinka, Sidaa awgeed danta iyo mustaqbalka Somaliland ku jirto in la qabto Doorashooyinkaa oo aanay mar danbe dib u dhicin, isagoo yidhi, “Dalkan Doirasho ayuu u baahanyahay, qofka doonaya in aanay doorashadu dhicin, waa qof doonaya in Somaliland kufto”