Araweelo News Network

guddoomiyecirro2Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay xukuumadda in goobaha la isku khilaafsan yahay ee degaannada xeebta woqooyi la raaciyo gobolka ay asal ahaan ka soo jeedaan, iyadoo la raacayo taariikhdii ka horraysay sannadkii 1960-kii.
Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale ka horyimid, khaladna ku tilmaamay go’aanka xukuumaddu ka qaadatay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga bilaabo lixda degaan ee kala ah; Hulka, Ceel-sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel-la-helay, Bildhaalay iyo Damasha oo ay isku khilaafsan yihiin saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil, isla markaana ay dadka iska diiwaangeliyaa xaq u leeyihiin inay codkooda ka dhiibtaan doorashada Madaxtooyada oo keliya, isagoo sidoo kale shaaciyey go’aan la iskula qaatay kulan ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada bishii Febuary ee sannadkan.
“Madaxtooyada ayaa la isugu yimmi bishii February ee sannadkan 2016 markii diiwaangelintu ka bilaabmaysay Gobolka Awdal, waxana laga wadahadlay arrimo ku saabsan diwaangelinta Gobolka Awdal iyo lixdaas gooboodba, markaa xisbiyada qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo xukuumaddaba waxa la isku raacay inay waajib ku tahay xukuumadda in iyadoo raacaysa taariikhdii lixdankii ay goobahaas iyo dastuurkii la raaciyo gobolka ay munaasibka ku yihiin ee taariikhiyan uga soo jeedeen la raaciyo bil gudaheed, si dadka goobahaasina u helaan xaqooda ah inay is-diiwaangeliyaan, codeeyaan, waxna doortaan. Go’aankaas ayaannu ogayn, mana jirin go’aan dambe oo la isugu yeedhay dadka ay arrintan khusayso, markaa waxa ku waajib ah xukuumadda in aanay kelideed qaadan go’aan ee la isugu yeedho dadka arrintu khusayso oo dhan,” ayuu yidhi Md. Cirro oo waraysi siiyey telefishanka Universal TV shalay.
Waxa uu intaa ku daray, “Waajib ayaannu u aragnaa in dadkaasi helaan xaqooda dastuuriga ah ee in la diwaangeliyo iyo inay codeeyaanba, laakiin waxa marka hore ku waajib ah xukuumadda inay degaannadaas raaciso gobol, iyadoo raacaysa dastuurka iyo taariikhdii ka horreysay sannadkii 1960-kii. Qofka muwaaddinka ah xaq ayuu u leeyahay inuu doorto Golaha Wakiillada, Goleyaasha Degaanka iyo Madaxtooyo, laakiin xaq qudha uma laha inuu Madaxtooyo oo kali ah doorto, marka qofka lagama qaadi karo xaqiisa inuu codeeyo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyadaba, haddii ay kelideed go’aan ka gaadhaysana waxa ay ila tahay in aannu ahayn go’aan sax ah, laakiin waa in dadkaasna la siiyo xaqooda, dhulkaasna la raaciyo halka uu ku habboonaa, talo midaysanna laga yeesho.
Uma baahnin khilaaf hor leh oo khuseeya diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashadaba, markaa waxa arrintaasi u baahan tahay in laga yeesho go’aan midaysan oo dhinac walba laga eegayo, haddii Ilaahay yidhaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey in khilaafka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilladu ay dib-u-dhac ku keeni karto doorashooyinka u muddaysan bisha March ee sannadka 2017, waxa uu ku jawaabay; “Golaha Wakiilladu waxa uu u gudbiyey Madaxweynaha bishii Afraad ee sannadkan in talo qaran laga yeesho saami-qaybsiga kuraasta gobollada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, kadibna waxa Madaxweynuhu arrintaas dib ugu soo celiyey xisbiyada qaranka inay ka soo talo bixiyaan bishii June, 2016, markii ay axsaabtu talo midaysan ka waayeen arrintaas, waxa ay dib ugu celiyeen Madaxweynaha, welina Madaxweynaha ayey la taal oo jawaabtii laga sugayaa.”
“Komishanka Doorashooyinka, axsaabta qaranka iyo qaadhaan-bixiyeyaashu waxay toddobaadkii dhawaa yeesheen kulan lagaga hadlayey dhammaystirka diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo arrimaha doorashooyinka, waxayna xukuumaddu caddaysay in ilaa hadda ay u qorshaysan tahay in labada doorashadaba la qabto waqtigooda, waxaanan qabnaa in la wada qaban karo labada doorasho haddii Madaxweynuhu go’aan ka gaadho oo aannu ku waafaqnay in aannu aqbalno go’aanka kasta oo uu soo saaro arrinta saami-qaybsiga, laakiin waxay ku xidhan tahay go’aanka laga sugayo Madaxweynaha,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ayaa uga mahadnaqay dadweynaha ku dhaqan Somaliland sida ay ugu dhabar-adaygeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka dhammaatay shan gobol oo dalka ah, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyey shacbiga Gobolka Sool oo diiwaangelintu ka socoto hadda.
“Waxa muuqata in shacbigu diyaar u yihiin inay is diwaangeliyaan, waxaanna muuqata in dhammaan goobihii loogu talogalay la geeyey oo weliba ay dadku doonayeen goobo kale oo dheeraad ah, balse aanay suurtogelin, waxayna muujinaysaa dhammaystiridda Somaliland oo ah in maamulku wada gaadhay, waxa kale oo ay muujinaysaa in shacbigu ay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan doorashooyinka iyo isbeddel khayr qaba oo ka dhaca dalka Somaliland, waxayna dadkaasi muujiyeen inay diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan talada dalka,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.