Araweelo News Network

guddoomiyecirro2Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay sheegay in dadka muwaaddiniinta ah xaq u leeyihiin cidda ay dooranayaan asxaabta qaranka ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, isla markaana aan cidna lagu qasbi Karin doorashada xisbi gaar ah.

Guddoomiye Cirro iyo xubno wehelinayey oo xadhigga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga WADDANI ka furtay xaafadda 150-ka ee degmada 26-ka June ee caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu tilmaamay in aanay jirin cid lagu khasbi karo amma ku khasban inay xisbi qudha u codayso.
“Waxa aannu rumaysanahay in muwaaddinku xor u yahay xisbiga uu tegayo, haddii uu dooranayo KULMIYE, haddii uu dooranayo WADDANI iyo hadduu dooranayo UCID ba, laakiin waxa beryahan soo baxaysa in xisbiyada qaarkood leeyihiin hebel baa igu qasban, degaan hebel baa igu qasban, reer hebel ayaa igu qasban. Waxa aannu leenahay cidina cid kuma khasbana,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan.
Waxa uu intaa ku daray, “Waad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad noo soo dhaweyseen, waxaanan si aad ah idiin ka mahadnaqayaa furashada xafiiskan cusub ee aad ugu adeegaysaan xisbiga WADDANI, wallow aad muddo ku shaqeynayseen, haddana waxaan maanta jeclaystay in aan xadhigga ka jarno si aad hawlahiina u sii wadataan. Walaaleyaal, waxa aynu samaysanay axsaabta, waxaanna aynu ka guurnay beelihii, barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga na waxa u qorsheysan qorsheyaal badan oo lagaga bixi karo qabyaaladda oo ay ugu horreyso shaqo da’yarta loo abuuro, gaar ahaan dhallinyarada.”

Guddoomiyaha WADDANI oo ay wehelinayeen Xoghayaha Guud Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, masuuliyiinta heer gobol ee xisbiga iyo xubno kale, ayaa soo dhawayn kala kulmay taageerayaashooda ku dhaqan xaafadda 150-ka ee caasimadda Hargeysa.
Madaxda Gobolka iyo degmada ee WADDANI, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin xafiiska WADDANI ku yeelanayo xaafadda 150-ka ee degmada 26-ka June, iyagoo ku faanay in xisbigoodu mid horumar gaadhsiin kara Somaliland haddii dadweynuhu codka siiyaan si uu ugu guulaysto doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan bisha March 2017.
“Aad iyo aad ayaanu idiin ku mahadnaqaynaa, waxaana aannu rajeynaynaa in maalinta doorashadana aad sidaas iskugu xidhnaan doontaan. Walaaleyaal, haddii aynu nahay xaafadda 26-ka Juun ama reer Somaliland guud ahaan waxa aynu dalkan ugu soo halganay in aynu xukuumad samaysano, xukuumad caddaalad ah, dawladnimo ayeynu u soo halganay ee qabiil umaynaan soo halgamin.
Ragga maanta qabaa’ilka kula dhex wareegaya xaafadaha waxa aannu leenahay dadkan iyo dalkani waxa ay u baahan yihiin in qaran la helo.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdillaah Uurcadde.