Wuxuu Daadefeeyay In Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Ay Soo Galaan Dawladdaha Gobolku.

Burco(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland soo dhaaftay waqtigii Qoriga la isku muquunin jiray, sidaa awgeed loo baahan yahay in aqoonta iyo qalinku shaqeeyaan oo wax qaldan lagu saxo, cadaaladna wax lagu maamulo.


Eng. Faysal, wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta Khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad ay ku qalin-jebiyeen Arday dhammaystay Jaamacadda Alpha qaybteeda magaalada Burco.

Guddoomiye Faysal waxa uu ka hadlay Shir ka dhacay degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, kaas oo uu hanbalyp u diray, isagoo xusay in dadka deegaankaa ku shirayaa ay yihiin kuwii kala shaqeeyay in la rido dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Millateriga ahayd, welina ay isku fiican yihiin, siduu hadalka u dhigay, isagoo sidoo kale sheegay in uu taageeray hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Sanbalooshe oo ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna ka digay in dalalka ku xeeran Soomaalida aannay dhex ka noqon karin inay galaan wada hadalada, walaw aanu cid gaar ah tilmaamin, taas oo loo fasirtay inuu u jeedo Dawladda Djibouti oo Madaxweynaah Somaliland maalmihii u danbeeyay booqday loona badibayay inay arrimaha ay u tageen qayb ka tahay sidii Djibouti doorkeeda uga qaadan lahayd inay sii socdaan wada hadalada.


Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal, ayaa sheegay in Ergay ka socday Urur-goboleedka IGAD loo diray Jabhadda Col. Siciid Cawil Caarre ee ku sugan Buuralayda gobolka Sanaag ee magaalada Ceergaabo, kaas oo sida uu sheegay Guddoomiye Faysal dhegaystay waxa uu ka cabanayo Caarre ee ku kallifay inuu Jabhad sameeyo, isla markaana uu ku qanciwaayey wuxuu u sheegay inay kallifeen, isla markaana u sheegay Ergaygu Col. Caarre inuu cabashadiisa ka sixi karo Xisbiyada siyaasadda iyo Saxaafadda madaxa-bannaan, sidaa awgeed aan xilligan loo baahnayn in dad nabad ah nabadgelyo-darro lagu abuuro oo la barakiciyo, haddii ay taasi dhacdana ay tallaabo illaa heer Maxkamadeed ah ka qaadi doonaan, cidda masuuliyaddaa qaadata, sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe oo aan xusin magaca Ergayga ka socday IGAD, ee la kulamay Col. Caarre iyo xilliga ay kulmeen, ama meesha ay ku kulmeen.