Hargeysa(ANN)- Xisbiga mucaardka ee UCID, aaya xilkii ka xayuubiyay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xisbiga Cabdinaasir Buuni, waxaana sidoo kale gebi ahaanba laga eryay xisbigaa.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Xisbiga, waxa  masuulkaa xilka laga qaaday, kadib markii gudidda Fulinta ee xisbigu ku qanacday soo jeedinta gudidda anshaxa  oo dalbaday in xilka laga qaado, isla markaana xubnimadii laga eryo Guddoomiye ku xigeenkii xisbigaa Cabdinaasir Buuni oo sida ay sheegeen ahaa  xilkiisu ku meel gaadh.

Xisbiga UCID, ayaa qoraalkiisa ku yidhi, sidan:-

Guddoomiye Ku Xigeenkii Xisbiga UCID Oo  Xilka Laga Xayuubiyay Xisbigana Laga Eryay
Guddoomiye Ku Xigeenkii Xisbiga UCID Oo Xilka Laga Xayuubiyay Xisbigana Laga Eryay