MBiixi-300x229Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ayaa ugu baaqay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda inay aqbalaan go’aanka guddida Hoodaale ku kala reebtay murrashaxiinta madaxweyne ee KULMIYE dhexdiisa marka muddada madaxweyne Siilaanyo dhammaato.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa diidmo ka muujiyey go’aan Guddida Horumarinta ee Hoodaale ku kala reebeen murrashaxiinta isku degaanka ah (Sacad Muuse) ee loollanka ugu jiray murrashaxnimada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, 16 December 2014, go’aankaas oo lagu taageeray in Muuse Biixi Cabdi noqdo murrashaxa qudha ee ay degaan ahaan taageersan yihiin murrashaxnimadiisa xisbiga KULMIYE, waxayna labada wasiir ku doodeen in aanay kala reebista murrashaxnimadu ahayn wax beeluhu ku shaqo leeyihiin, balse lagu kala hadhayo Golaha Dhexe ee KULMIYE.
Haseyeeshee, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inuu aad u qadariyo labada wasiir, isagoo ku tilmaamay inay yihiin rag u qalma murrashaxnimada madaxweyne, balse loo baahan yahay in loo hoggaansamo go’aanka ka soo baxay aqlabiyada Guddida Hoodaale iyo madax-dhaqameedka degaanka.
“Ragga kale (Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale) waa rag aan qadarintooda, aqoontooda, kartidooda iyo sharaftooda aad iyo aad u qadarinayo, waana rag u qalma waxaas (murrashaxnimada madaxweynaha) iyo wax ka weyn, haddana haddii inta badan meel isku raacdo waa la isku ixtiraamaa. Inta kaliya ee aan baaq u jeedinayaa waxa weeye waa rag odayaal ah oo wax walba u qalma, laakiin haddii inta badan meel marto heer kasta ha noqotee waa in la isku qadariyo, lana aqbalo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Waxa kaloo uu dhaqan fiican ku tilmaamay in cid kastoo murrashax sheegata lagu kala saaro, laguna kala reebo degaannada iyo gobollada ay ka soo jeedaan, arrintaasoo uu xusay inay ka dhacdo dalalka caalamka, kadibna shirka heer qaran ee xisbiga ay isugu yimaadaan xubnaha ka soo baxay gobolada, waxaannu yidhi; “Anigu waxaan aaminsanahay arrimaheena siyaasiga ah hoosta ayaa laga soo dhisay oo kor baa wax loo soo dhisaa, arrintanna waxay ka mid tahay. Xisbiga KULMIYE sidaynu ognahay odayga (madaxweyne Siilaanyo) ayaa murrashax u ah. Anigaa beri hungureeyey (in aan isla sharraxo) oo waatii xisbi iyo shacbiba la yidhi odayga (madaxweynaha) ka dambee, sidii ayaan uga dambeeyaa, isagaana u sharraxan, kabacdii haddii mustaqbalka la hungureeyey oo rag badan oo isku deegaan ah, qiimahana leh nin walba yidhi anna waxbaan eegayaa (waan is sharraxayaa) oo nin walba sharaftiisa iyo miisaankiisa leeyahay. Waxay ila tahay inay wanaagsan tahay in marka hore sida caalamka oo dhanba yeelo degmo, degaan iyo gobol (la isku soo reebo), dabadeedna shirka xisbiga qaranka waxa isugu imanaya gobolladii iyo in kooban. Tusaale ahaan; murrashaxii Ceerigaabo, Salal iyo ka Hargeysa, waana in degmooyinka iyo gobollada lagu soo kala hadhaa, waxaanay ahayd arrintaa siyaasiga ahayd ee cid walba ku soo kala hadho, haddii ay degaan ahaan raggan (guddida Hoodaale iyo madax-dhaqameedka Sacad Muuse) hawsha farogeliyeen, waxay ila tahay qarankana wax bay u tareen oo waxbay soo ururiyeen, degaan ahaanna waxbay u soo ururiyeen.
Anigu waxaan ka mid ahaa raggii odayaashu (Guddida Hoodaale) u yeedheen, walibana go’aanka aan u dhiibay ee yidhi wixii aad soo saartaan waan ogolahay. Waxa xaqiiqo ah haddii ay mid kale (murrashax kale) odhan lahaayeen xaggiisa loo batay in aan ku raaci lahaa, waayo nin weyn oo rag wax u dhiibtay ayaad tahay ee waa inaad raacdo (wixii ay go’aamiyaan),” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com