Exif_JPEG_422Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal Maxamuud Cali Ramaax (Ina Cali Hayste), ayaa ka waramay weerar koox dhalinyaro ah oo hubaysan ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan isaga iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiye Ramaax oo waraysi arrintaa ku saabsan siiyay Telefishanka madaxa banaan ee BulshoTV, wuxuu sheegay in kooxdaa dhalinyarada ah oo hubaysan, isku dayeen inay dhawr goor soo dhexgalaan wefdigooda. Kadib xil wareejintii gobolka Sanaag, balse ay ciidanka Boolisku fahmeen oo ay qabteen iyaga iyo gaadhigii ay wateen ka hor intii aanay qorshohoodii ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan fulin.
“dhawr goor ayay gaadiidkayaga soo kala dhexgaleen, waana dareensanayn oo waxay doonayeen inay na joojiyaan, balse Booliska, ayaa markii ay gaadhigii ay wateen joojiyeen ee ay damceen inay ka degaan qabtay, waxaana laga qaaday qoryihii ay siteen iyo gaadhigii, waana u mahad celinayaa Booliska tallaabada ay qaadeen, waana arrin aanan garanayn oo wax naga dhexeeyay raggaa dhalinyarada ah may jirin.”
Guddoomiye Ramaax, wuxuu sheegay in aanu garanayn ujeedada ka danbaysa falkaa oo aanu cidna ku eedaynayn, balse baadhista arrintaa laga warsugayo oo aanu ka hordhacayn. “Ma garanayo inay aniga ii socdeen iyo inay guddoomiyaha cusub ee Sanaag u socdeen, sababtoo ah gaadhi, ayaan wada saarnayn, mana rabo inaan baadhista ka hordhaco”ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax oo la weydiiyay cidda ay u socdeen dhalinyaradaa hubaysan ee doonayay inay waxyeelo u geystaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com