baasheHargeysa(ANN)Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay weli diyaarin xeerkii lagu dooran lahaa golahooda, isagoo xusay inay xeerkaas diyaarin doonaan marka Komishanku cayimo muddada doorashooyinku qabsoomayaan.
Mudane Baashe Maxamed Faarax oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu sheegay in aanay dhib ka taagnayn xeerka Golaha Wakiillada lagu dooranayo ee aan weli la diyaarin, balse dhibku yahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha aan la bilaabin.
“Xeerkii (lagu dooranayey Golaha Wakiillada) maanu diyaarin oo diyaar maaha, laakiin, xeerka waa la diyaarinayaa marka golaha wakhtigiisa ayaa la diyaarinayaa, markaa dhibaatadu taas maaha ee waa diwaangalinta codbixiyeyaasha. Markaa Komishanka ayaa laga rabaa jadwalka doorashada, golaha wakiilladuna diyaar ayuu u yahay doorashada mar alle markii la muddeeyo doorashadda,” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.
Waxa kaloo uu sheegay sheegay sida keliya ee doorashada loogu qaban karo waqtigeeda 26-ka bisha June ee sannadkan ay tahay in lagu galo diiwaagelin la’aan, taas oo haddii xisbiyada mucaaradku diyaar u yihiin looga baahan yahay inay soo jeediyaan, isagoo arrin sharciga baalmarsan ku tilmaamay baaq hore uu u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro in la kala diro golayaasha xukuumadda iyo wakiillada kadib bisha June haddii doorashadu qabsoomiwaydo, isagoo xisbiyada mucaaradkana kula taliyey inay xaq-dhawraan sharciga dalka u yaal.
“Golaha Wakiillada sida loo kala dirayo waxa fasiraya Dastuurka, Qodobka 56-aad farqaddiisa 7-aad waxay sheegaysaa Golaha Wakiillada lama kala diri karo sannadka ugu horreeya muddo-xileedkiisa iyo sannadka ugu dambeeya muddo-xileedka Madaxweynaha, markaa sannadkii u horreeyey ee golahana waynu soo dhaafnay, kii ugu dambeeyey ee madaxweynuhuna waa ilaa bisha June ee soo socota oo waa lagu jiraa. Sidaasi darteed, Golaha Wakiillada cid kala diri kartaa ma jirto oo dastuurka ayaa la raacayaa oo odhanaya golaha waxa beddeli kara uun gole kale oo la soo doortay, waxaanay ku xidhan tahay in Guddiga Doorashooyinku iclaamiyaan waqtiga doorashadu dhacayso. Golaha Wakiillada waxa waqtigu kaga eegyahay bisha June doorashaduna inay 26-ka June dhacdo ayey ahayd, laakiin haddii doorasho la qabanwaayo oo duruufo yimaadaan golahani wuu sii fadhiyayaa oo isagaa xilka sii haynaya. Duruufuhu maaha dhul-gariir ee waa in Komishanku qabankariwaayo doorashada, markaa kadibna waxa loo marayaa dastuurka iyo shuruucda dalka. Markaa ninkii isagu xoog ku kala diraya dawladda iyo golaha ee wata ciidan uu inqilaab ku samaynayo isaga ayey jirtaa, balse haddii dastuurka lagu dhaqmayo ma jiro gole iyo xukuumad la kala dirayaa ilaa doorasho la qabanayo,” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.
Waxa kaloo uu xisbiyada mucaaradka ka dalbaday in haddii ay diyaar u yihiin doorashada diiwaangelin la’aan ay soo jeediyaan, waxaannu yidhi, “Xukuumaddu muddo-xileed bay leedahay, waqtigeeduna wuxuu ku dhan yahay bisha June. Haddii doorashada la qaban kariwaayo si kasta ha ku timaadee, iyadoo dhul gariirna inagu iman, innagaa waxaynu dhiganay inaan doorashada lagu gali karin Diiwaangalin la’aan. Markaa xisbiyada mucaaradka ahi haddii ay doonayaan in doorashada la qabto June, ha soo jeediyaan in diiwaangalin la’aan lagu galo doorashada, waana sidaas sida keliya ee ay ku qabsoomi karto June”.
Guddoomiye Baashe waxa uu meesha ka saaray dalabka xisbiyada mucaaradka ee ah in dawlad wadaag ah la sameeyo wixii ka dambeeya waqtiga doorashada haddii ay qabsoomiwaydo, “Dawlad wadaag ahi sharci ay ku taal ma jirto, haddaba waa wadaag oo golaha wasiirrada waxa ku jira rag ahaan jiray WADDANI, UCID iyo kuwo UDUB ahaa, Madaxweynuhuna xaq buu u leeyahay inuu qof kastoo uu u arko inuu xilka Jamhuuriyadda Somaliland gudan karo xisbi iyo cidna uma eego ee wuu keenaa. Xisbiyada mucaaradkana waxaan kula talinayaa in aanay shacabka u horseedin fidmo, inay dastuurka ku dhaqmaan, waxa ina kala hayaa waa dastuurka ee ninna nin kama xoog wayna,” ayuu hadalkiisa raaciyey Md. Baashe Maxamed Faarax.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews