“Caadiyaynta xidhdiidhka Israel looguma talagelin inay cadow u noqoto dal kasta, balse waa qayb ka mid ah dadaalladayada lagu xaqiijinayo aqoonsi caalami ah iyo danaha shacabka Somaliland.”Guddoomiye Xirsi
Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Xukuumadda Somaliland ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waraysi uu siisay Telefishanka laga leeyahay dalka Qadar ee Al-Jazeera ku shaaciyey Sababaha dhabta ah ee caadiyaynta xidhiidhka Israel, aqoonsiga Israel siisay jamhuuriyadda Somaliland iyo dareenka falcelinta ee ka dhashay ee dalalka Carabta ka bixiyeen cilaaqaadka cusub ee Somaliland iyo Israel.
Guddoomiye Xirsi waxa uu arrimahaa kaga hadlay waraysiga uu siisay barnaamijka fiidkii ee Al Jazeera, isagoo jawaabo ka bixiyay su’aalo xaasaasi ah oo weyiyuhu doonayay inuu ku gaado, guddoomiye Xisri ayaa si dhab ah uga jawaabay su’aalaha oo u muuqday kuwo u adeegaya kooxaha isu bahaystay qadiyadda Somaliland iyo carqaladaynta xidhiidhka taariikhiga ah ee Israel iyo Somaliland oo si weyn usoo jiitay indhaha iyo dheggaha caalamka.
Guddoomiyaha xisbiga talada haya WADDANI, ayaa xaqiijiyey in caadiyaynta xidhiidhka Israel ay ka mid tahay dadaallada “dawladda jamhuuriyadda Somaliland” ee lagu doonayo in lagu helo aqoonsi caalami ah oo rasmi ah, kaddib sannado badan oo ay Somaliland go’doon iyo aqoonsi la’aan ku jirtay, iyadoo Somaliland kala kulantay beesha caalamka iyo dalalka Carabta in aannay dheg jalaq u siin qadiyadooda iyo himmilada qarankooda buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qaran.
Wuxuu sheegay in Somaliland aanay ahayn gobol gooni u go’ay, balse ay tahay dal madax-bannaan oo jiray 34 sano, isla markaana soo celinta aqoonsiga caalamiga ah ay tahay mudnaan qaran oo istiraatiiji ah, taas oo ku dhisan rabitaanka shacbiga Somaliland iyo himiladiisa.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xidhiidh kasta oo siyaasadeed ama diblomaasiyadeed oo lala yeesho Israel aannu ahayn doorasho, balse uu yahay baahi lagama maarmaan ah si loo helo aqoonsi sharci iyo mid siyaasadeed oo caalami ah.
Isagoo ka hadlay sababaha caadiyaynta xidhiidhka Israel, Xirsi, wuxuu sheegay in xidhiidhkani yahay mid si buuxda u yeelanaya doorkiisa siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, kuna salaysan is-aqoonsi iyo iskaashi dhaqaale, isla markaana aanu wax lug ah ku lahayn arrimo ciidan ama tixgelin diimeed.
Guddoomiye Xirsi, ayaa intaas ku daray in xidhiidhkani wax lug ah ku lahayn oo aanu khusayn dhacdooyinka ka socda Falastiin ama dagaallada ka jira gobolka, balse ay ku dhisan yahay oo keliya danaha qaranka Somaliland iyo xaqeeda aqoonsi caalami ah.
Isagoo ka jawaabaya dhaliilaha ku saabsan la macaamilka Somaliland ee dal lagu eedeeyo inuu dambiyo ka geysto Falastiiniyiinta, isagoo ula jeedaWeriyuhu Israel oo aqoonsi caalami ah siisay Somaliland, ayuu ku jawaabay guddoomiye Xirsi, “Waxaan ka hadlaynaa xidhiidh siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya laba dal, mana faragelinno dagaallo ciidan ama arrimo bini’aadannimo oo ka baxsan awooddeenna.”
Wuxuu ku guddoomiye oo ka jawaabaya su’aal kale, kuwaas oo uu ku adkeeyay hadalkiisa in mowqifka dalkiisu ee Falastiiniyiinta uu weli yahay mid taageersan nabadda kana soo horjeeda dilka, isla markaana eedeymaha ku saabsan qaabilaadda Falastiiniyiin ama dhismaha saldhigyo ciidan oo Israel leedahay ay yihiin been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
Falcelinta Carabta
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, wuxuu ka hadlay diidmada Jaamacadda Carabta iyo mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan caadiyaynta, isagoo xusay in aqoonsi-la’aanta Somaliland ee 34-ka sano socotay aannay wax saamayn ah ku yeelan siyaasaddaha dawladda, isla markaana dalkiisu doonayo inuu maamulo arrimihiisa si u adeegta danaha dadkiisa, iyadoon loo eegin mowqifka rasmiga ah ee Carabta“Aqoonsi ay bixiyaan Israel, Maraykanka ama dal kale waa arrin diblomaasiyadeed oo keliya,” isagoo adkeeyay in xidhiidhka kasta oo siyaasadeed oo lala yeesho Israel aan ujeedkiisu ahayn inuu xiisad ka abuuro gobolka ama waxyeelleeyo dalalka deriska ah.
Isagoo ka jawaabaya su’aalo ku saabsan suurtagalnimada in saldhigyo ciidan oo Israel leedahay laga dhiso dhulka Somaliland, Guddoomiye Xirsi, wuxuu sheegay in arrintaas aan weli la soo qaadin, isla markaana xidhiidhka Israel hadda ku kooban yahay dhinacyada siyaasadda iyo diblomaasiyadda. Wuxuu mar kale ku tilmaamay sheegashooyinka ku saabsan saldhigyo ciidan ama qaabilaadda Falastiiniyiinta barakacay inay yihiin been abuur cad.
“Caadiyaynta xihdiidhka Israel looguma talagelin inay cadow u noqoto dal kasta, balse waa qayb ka mid ah dadaalladayada lagu xaqiijinayo aqoonsi caalami ah iyo danaha shacabka Somaliland.”
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xidhiidhada caalamiga ah ee Israel ama dal kasta oo kale ay ku dhisan yihiin dan wadaag iyo iskaashi dhaqaale, isla markaana faa’iido kasta oo Israel ka hesho cilaaqaadka ay ku xidhan tahay aqoonsi rasmi ah oo labada dhinac ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay diiradda saarto ilaalinta danaha dawladda iyo soo celinta aqoonsiga caalamiga ah, iyadoon lagu lug yeelan khilaafaad dibadeed ama muranno goboleed.
Mowqifka ku aaddan khilaafaadka gobolka
Markii laga hadlay khilaafka Falastiin iyo Israel, Xirsi wuxuu sheegay in mowqifka Somaliland uu yahay nabad iyo diblomaasiyad, isla markaana ay taageersan tahay hindisayaasha caalamiga ah ee xabbad-joojinta, isagoo xusay in hindisaha uu soo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Sharm el-Sheikh. Wuxuu adkeeyay in la macaamilka Israel uu yahay mid siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo keliya, isla markaana arrimaha la xidhiidha dilka Falastiiniyiinta ama go’doominta lagu hayo aanay ka mid ahayn siyaasaddaha rasmiga ah ee Somaliland, maadaama dawladda ay diiradda saarayso danaha qaranka iyo mudnaanta diblomaasiyadeed.
Guddoomiye Xarsi Cali wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in tallaabadii dhawaan loo qaaday dhinaca Israel ay ku jirto istiraatiijiyadda Dawladda Somaliland ee lagu xoojinayo aqoonsiga caalamiga ah laguna gaadhayo danaha dadkeeda, isla markaana dhaliilaha ku saabsan isbahaysiga Israel ama eedeymaha la xidhiidha faragelin khilaafaad goboleed ay yihiin “sheegashooyin mala-awaal ah oo aan sal lahayn.” Wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ee Somaliland ay tahay ilaalinta madaxbannaanideeda iyo sii jiritaankeeda dal madax-bannaan oo caalamku aqoonsan yahay.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv


