araweelonews-300x168Hargeysa(ANN)Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa faah-faahin ka bixiyay arrimaha doorashada iyo hawlaha la xidhiidha, waxayna qoraal saxaafadeed ay soo saareen ku sharaxeen hawlaha ay qabteen iyo kuwa u qorshaysan ee miiska saaran.
Qoraal saxaafadeedka gudida doorashooyinka oo ku saxeexan yahay guddoomiyaha gudada Cabdiqaadir Iimaam Warsame, ayaa u qornaa sidan:-

“Tan iyo markii ay xubnaha Guddiga Doorashadu ka soo noqdeen safar shaqo oo ay ku tageen dalka Kenya, waxay Gudigu ku hawlanaayeen hawlaha culus ee horyaala oo ay ka mid tahay bixinta qandaraasyada diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Gudigu waxay Nairobi ku soo af-jareen bixinta qandaraaskii adeega ee khubarada, waxaana ku guulaysatay shirkad Maraykan ah oo la yiraahdo CREATIVE.
Bishan January 6 di ilaa 15 di waxay Gudigu dhamaystireen bixinta qandaraaskii qalabka ee loo isticmaalayo diiwaangelinta, kaas oo ay ku guulaystay shirkad laga leeyahay dalka Denmark, oo magaceedu yahay ATEA.
Sidaad la socotaan, wakhtigii ay hawsha la wareegeen Guddiga Doorashadu waxay beegantay mudo fasax lagaga jirey wadamada reer Galbeedka, oo wada shaqayn naga dhexayso. Waxaanu hada sugaynaa jawaabta shirkadihii qandaraasyada helay in ay ku soo aqbalaan mudada loo qabtay.

Waxaanu kale oo ku hawlanayn qorista shaqaalaha muhiimka ee hawlaha muhiimka ee shaqada Komishanka aan looga maarmayn sida la taliyaha dhanka sharciga iyo madaxa maamulka shaqaalaha. Waxaanu dhowaan bilaabaynaa shaqaalihii Gobolada iyo degmooyinka ee arrimaha diiwaangelinta.
Waxaanu dhowaan u bixi doona Goboladda iyo degmooyinka dalka taas oo ay na raaci doonaan xubno ka tirsan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Maanta waxaanu xarunta Gudiga doorashooyin kula kulanay xubnaha xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland, sidii aanu uga wada shaqayn lahayn qodobo muhiim ah oo la xidhiidha habka diiwaanglinta muwaadiniinta.

Waxaanu wakiilada xisbiyada kala hadalay:
in Komishanku dhamaystiray bixinta qandaraasyadii shirkadaha ajnebiga ah.
safar ay dhowaan geli doonaan xubnaha Komishanka iyo gudiga farsamo ee xisbiyada qaranka oo Gobolada dalka oo dhan lagu maraayo.
In Komishanku ku guda jiro dhamaystirka shaqaalaha xarunta iyo Gobolada.
in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa qorshe dhamaystiran oo suurta geliya diiwaangelin hufan.
in la joogteeyo kulamada shaqo ee Komishanka iyo xisbiyada qaranka.

Alla Mahad Leh.

Guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland Cabdiqaadir Iimaam Warsame ”
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com