Araweelo News Network


Hargeysa(ANN) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii muddo uu cibaado ugu maqnaa Magaalada Barakaysan ee Makka Al-Mukarama ee dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga hortageen qaar ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Mr Ciro ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaarka Hargeysa waxa uu mar labaad ku celiyey oo uu xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay dhamaystirto lacagtii doorashada lagu galayey si aanay doorashadu qarbo-qarbo u galin.

Ugu horayna gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ka hadlaya ujeedada safarkiisii Barakaysnaa ee Maka Al Mukarama ayaa waxa uu yidhi “Mudadii ugu dambaysay waxa aan ku sugnaa magaalada maka oo ay dad badan oo muslimiin ahi ay ku sugnaayeen oo dunida ka kala socday si ay u soo gutaan cimrada iyo maalmaha tobanka ramadaan ee ugu dambeeya oo umad badan oo muslimiin ahi ay u tagto maka, dad badan oo shacbiga reer somalilandna way tageen dad badan oo malaayiin ahi way tageen.

Waan ku faraxsanahay in aan si nabadgalyo ah wadankayga ugu soo noqdo, waxaan rajaynayaa, hawlo badan ayaa ina hor yaala oo ay ugu muhiimsan tahay qaybtintii qaadashada kaadhadhka ee labadii gobo lee ugu muhiimsanaaa waa gobolka Maroodi-jeex iyo gobolka Togdheer iyagana shacbiga reer Soomaliland ee labada gobol waxaan ugu baaqayaa in si nabadgalyo ah muwaadin kastaa uu qaato kaadhkiisa si uu u helo xuquuqda waxna doorto waxaan ugu baaqayaa inuu kaadhka qaato. Dedaal weyna la sameeyo runtii sidii hawshaasi aynu nabadgalyo ugu dhamayn lahayn.

Arinta ku saabsan doorashada oo aynu ku sii dhawaanayno, waxaan ugu baaqayaa xukuumada Somaliland in wixii hawshan kaga aadan ee ay ugu horayso amnigu oo ay ugu horayso dhaqaale bixintu, lacagtii doorashada badhbaa dhiman sidii aan wararka ka maqlayey waxaan ugu baaqayaa xukuumada mar labaad inay dhamaystirto si hawshaasi aanay qarboqarbo inoogu noqon.

Reer Somaliland waxaynu illaahay ugu mahadnaqaynaa in abaartii inaga soo jabiyey, cudurkiina hoos u dhacay, waxaan rajaynayaa in aynu u diyaargarowno, isbadal khayr qaba inuu yimaado” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro.