GudsaleebaanHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku wargeliyay Golihiisa in aan loo kala qaybin sidii golaha loo kala furfuri lahaa, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada siyaasada ee axsaabta qaranka iyo xukumadda Madaxweyne Siilaanyo in aanay baalmarin Dastuurka Dalka.
Guddoomiyaha ayaa sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay fahigii golaha ee saaka, guddoomiye Saleebaan ayaa hore u sheegay in aanay waxba ka soconayn heshiiska ay todobaadkan ka gaadheen axsaabta iyo xukuumaddu murankii ka dhashay mudda-kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen xukumadda iyo golaha wakiiladda.

Warkaa guddoomiyaha halkan ka Hlkan Riix Daawo
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.