guurti

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Hargeysa(ANN)Guux iyo doodo ka taagan waqtigan mudo-xileedka sharciga ahaa ee ka dhamaanaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha wakiilada ee markii sadexaad sugaya muddo kordhin. Kadib markii ay dib u dhaceen doorashooyinka la filayay inay ka qabsoomaan Somaliland 26 Juun ee sanadkan, ayaa siyaasada u ekaysiisay mid guul-guul ah oo aan degelkeedii fadhiisan.
Waxaana maalmihii u danbeeyay isa soo tarayay sawaxan iyo dhawaaqyo ka imanayay gudaha iyo dibaddaba, kuwaas oo dhamaantood ka hadlayay doorashooyinka dib u dhacay ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland oo aan laysku diidanayn inay dib uag dhaceen waqtigoodii, balse laysku khilaafsan yahay mudada sharciyada xukuumadda iyo Baarlamaanka loogu darayo waqtiga si loogu beego xiliga doorashooyinku ka qabsoomayaan Somaliland.
Baaqyadii ugu danbeeyay ee ka imanayay xoogagga taageera doorashooyinka Somaliland ee ay hormoodka u yihiin dalalka Britain iyo Norwey, ayaa lagu sheegay in haddii golaha guurtida oo ku mashquulsan muddo kordhintaa ay ka baddiyaan mudada komishanku dhowaan ku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka oo sannad ah ay taasi wax u dhimi karto xidhiidhka Somaliland la leedahay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka sida weyn Somaliland uga taageera arrimaha doorashooyinka, Amaanka iyo horumarka.
Sidoo kale mucaaradka ayaa baaqyo la xidhiidha arrintaa muddooyinkii u danbeeyay kaga digayay in muddo kordhintu aanay noqon mid siyaasadaysan oo aan laga kaxayn mid farsamo, isla markaana waxay ugu baaqayeen golaha guurtida in mudada la kordhinayaa aanay ka badnaan sanadkaa.
Baaqyo warbaahinta la marinayay labadii maalmood ee u danbeeyay oo taageero loogu muujinayay mawqifka Axsaabta mucaaradka, ayaa noqday kuwo ay Odayaal iyo Madax dhaqameed jawaabo kasoo horjeeda, isla markaana ku baaqaya in arrinta loo daayo guurtida oo ay ku doodayaan inay tahay Marjaca loo noqonayo marka ay arrimahan oo kale yimaadaan loo daayo, waxayna dhawaaqyada danbe usoo jeediyeen mucaaradka inay dib u fadhiistaan, iyagoo ka digay inay abuuraan xaalad aan loo baahnayn.

Doodaha iyo dhawaaqyada, ayaa noqday kuwo iska soo horjeeda oo ku kala duwan mudada la kordhinayo ee xukuumadda iyo Baarlamaanka doorashooyinkoodu dib u dhaceen ee xiliga sharciyadoodu gabaabsiga yahay.

Dhamaan dhinacyadu waxay mawqif ka wada yihiin oo aanay ku muransanayn muddo kordhin, balse muranka iyo doodaha Atamosfeerka siyaasada ciireeyay, ayaa ah inta ay noqonayn mudada la kordhinayo ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiiladda Somaliland oo sharciyadoodu gabaabsi tahay.

Hase yeeshee Guurtida oo ku mashquulsan go’aanka arrintaa, waxay hore u sheegeen inay xal wanaagsan ka gaadhayaan arrinta dooda iyo muranka siyaasadeed ka taagan yahay ee mudada loo kordhinayo Xukuumadda iyo Baarlamaanka, waxayna kulamo la yeelanayeen saacadihii u danbeeyay dhinacyada oo ay gooni gooni ula kulmayeen, iyadoo kulamada mucaardka ka sokow ay jiraan Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo dhinacooda u guura-bahalaynayay Odayaasha guurtida ee ku mashquulsan sidii ay xal dhinacyadu ku wada qancaan uga soo saari lahaayeen arrinta muranka siyaasadeed ka taagan yahay ee mudada loo kordhinayo xukuumadda, iyadoo ay  muuqatay muda kordhinta maanta laga hadlayaa laba sanadood ka hor inay imanayso.Riix halkan dib u jaleec Faallo la shaaciyay Friday, 31 May 2013 16:42

Inkasta oo aan si dhab ah loo oagayn go’aanka ay ku dhawaaqi doonaan, kaas oo la filayo inay saacadaha soo socda shaaciyaan, balse waxa jira xoggaha ka ag dhaw sheegayaan in go;aanku yahay mid noqonaya inta u dhaxaysa 18 Bilood iyo 24 bilood oo laba sanadood ah, isla markaana waxa la filayaa in go’aankooda ay guntiga ku sitaan ee mudda kordhinta ay shaaciyaan maalinta beri, kaas oo si weyn loogu dhegtaagayo dhawaaqiisa, isla markaana noqnaya mid xaalada siyaasadeed ee waqtigan iyo jawiga wax kusoo kordhiya oo xaraarada dejiya, ama xumadda siyaasadeed iyo sawaxanka sii xoojiya.

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.