GudsaleebaanHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo xubno uu hoggaaminaya oo la kulamay maanta dhinacyada Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa hakiyay fadhigii loo balansanaa ee maalinta Beri 18 Nov 2014, kaasoo ay Xildhibaanada Sabtidii doonayay in ay mooshin xilka kaga xayuubiyaan Guddoomiyaha Golaha la joojiyay kadib markii ay Gurtidu ku guntatay.
Xildhibaanada, ayaa muddo laba maalmood ah u qabtay Ergada, balse labadaa malmood oo ahaa Axadii Isniintii, waxay xildhibaanadu u balameen in ay maalinta Salaasada oo ku beegan 18 Nov 2014, isugu soo laabtaan Fadhiga Golaha iyagoo sita Mooshinkii ay hore usoo qorshaysteen in xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro, balse kulamadii labada dhinac dhexmaray ee ay Guurtidu la yeesheen labada dhinac, ayaa xoggo laga helay oo ay heshay shebekadda Araweelo News Networ, waxay shegayaan in ay Guurtidu labada dhinac ku qancisay in go’aankooda la sugo, isla markaana waxay Xildhibaanada u balansanaa maalinta Salaasada fadhiga ku qanciyeen in la sugo ilaa Sabtida soo socota, taas oo ay labada dhinac aqbaleen.
Ergada Guurtida ee uu Higaaminayay Guddoomiye Saleebaan Gaal, ayaa ku guntaday oo hakiyay mooshinkii muranka dhaliyay ee Golaha Wakiiladda oo la doonayay in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaardka ee WADDANI. Cabdiraxaan Cirro, waxaana Mooshinkaa ka dhacashay mudaharaadyo rabsho wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo ka dhacay Burco iyo Hargeysa.
Afar qof oo kam kid ahaa Mudaharaadayaasha ayaa ku dhaamwacmay Magaalada Burco, waxaana ku geeriyootay Haweenay ay haleeshay rasaasta ay Ciidamada Boolisku ku jawaabeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com