Booliska oo xidhaya Xildhibaanada1

photo By. Araweelonews

Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Afar xildhibaan oo ka mid ah Mudanayasha Golaha Wakiiladda. Kadib markii saaka Ciidamada Amaanku la wareegeen wadooyinka muhiimka ah ee mara Dhismaha xarunta Madaxtooyadda iyo Xarunta Baarlamaanka oo isu muuqda.

muuqaalka Xubnaha Wakiilada ee garabka Cirro

Xildhibaanada xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah Xildhibaan Buubaa, Bashiir Tukaale, Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Maxamed Saalax iyo Jaamac Xasan Aaadn, kuwaas oo ciidamada RRU gaadiid ku gurteen. Kadibna xabsiga loo taxaabay.
Sidoo waxa xabsiga loo taxaabay dhawr ka mid ah suxufiyiinta goobta ka ag dhowaa, kuwaas oo aan tiradooda saxda ah la hayn, balse warar shebekada Araweelo News Network laga soo xigtay ayaa sheegaya in ilaa shan ka mid ah Suxufiyiin ka hawlgala warbaahinta kala duwan la xidhay.
Dhinaca kale golaha Guurtida ayaa ku guntaday in la meel mariyo mooshinka la doonayay in xilka lagaga qaado Guddoomiye Cirro, iyadoo ay madasha kasoo xaadireen in ka baddan Lix iyo Afartan Xildhibaan, kuwaas oo debeda lagu soo abaabulay, isla markaana doonayay in xilka laga xayuubiyo Guddoomiye Cirro oo isaga koox ka mid ah Xildhibaanada taageersan aanay kasoo xaadirin fadhigaa, balse Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Odayaal ka mid ah Guurtida oo ku guntaday in la meel mariyo Mooshinkaa, waxayna ka dalbadeen in dib loogu dhigo arrintaa muddo laba Maalmaaood ah.

Buuq iyo Sawaxan ayaa Mudanayaashu kala horyimaadeen, waxayna iyagoo qaylinaya ku dhawaaqeen “Guurtidu hanaga baxdo sidan gole ku noqonmayno ee golihiina tagga hawshayada ayaan wadanaaye”

Guddoomiye Xigeenka Koowaad Baashe, ayaa muran iyo Buuq ka horyimi Guurtida uu hogaaminayay Saleebaan Gaal ka aqbalay ergada. sidaana waxa Goluhu dib ugu dhigay fadhigaa.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala socoAraweelonews Mobile
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
info@araweelonews.net
jaamac132@gmail.com