GudidajoogtadaguurtidaHargeysa(ANN)Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida, ayaa kulan ay Madaxweyne Siilaanyo kula yeesheen saaka qasriga Madaxtooyada, kulanakaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo aany saxaafadu goob joog ka ahayn, ayaa la xidhiidhay go’aanka goluhu hore ugu kordhiyay muddo xileedka xukuumadda iyo golaha wakiiladda Somaliland oo muran siyaasadeed ka aloosay dalka.

 

 

Balse markii uu dhamaaday kulanka Guurtida iyo Madaxweynaha, waxay xubnihii guurtida la kulamay Madaxweynaha sheegeen in ujeedada kulanku ahaa qorshe Madaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday in go’aankii muddo kordhinta wax laga beddelo, taas oo ay sheegeen inuu marar baddan oo hore ka dlabay, isla markaana ay ku gacan saydheen kulankaa ay maanta la yeesheen oo ay ku cadeeyeen mawqifka ay ka taagan yihiin arrintaa oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid sharci ah oo waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

 

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Guurtida, isla markaana ah ku simaha Guddoomiyaha Siciid jaamac (Tima weyne ) ayaa warbaahinta u sheegay in arrinta ay madaxweynaha kala hadleen ahayd soo jeedin la xidhiidha muddo kordhinta, balse ay u cadeeyeen in aanay gole ahaan ka laabanayn go’aankii muddo kordhinta oo aanay waxba ka beddelayn, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid dastuuri ah. Sidoo kale Xildhibaan Cabduqaadir Indha-indho oo ah Afhayeenka golaha, isla markaana ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in aanay arrintaa marnaba aqbalayn oo ay ka diideen madaxweynaha oo sida uu sheegay culays ay mucaaradku ku saareen, isla markaana guddi ahaan uu dhawr jeer ooh ore u yeedhay si ay arrintaa wax isaga weydiiyaan, balse ay ka dhega adaygeen kulanka maantana ay ugu cadeeyeen in aan waxba laga bedelayn go’aanka golaha guurtida ee muddo kordhinta, wuxuuna tilmaamay in haddii go’aanka golaha laga noqdo aanu golahu ahaanayn mid jira, isla markaana ay meel ka dhac iyo gef ku noqonay dastuurka in laga noqdo.

 

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.