indho-indho-1Hargeysa (ANN)Golaha Guurtida Somaliland, ayaa  tilmaamay sida keliya ee ay ku tixgelin karaan heshiiska muranka dhaliyay ee meelmarka noqon  waayay, kaas oo saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ku gaadheen in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada lagu qabto bisha December 2016,  kadib markii uu khilaafay go’aanka muddo-kordhinta Guurtidu dhigayo in doorashooyinku qabsoomaan bisha March 2017-ka.

 

Afhayeenka Golaha Guurida Md. Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) ayaa sheegay in go’aanka muddo-kordhinta Guurtida oo sharci ahi uu sidiisii yahay oo aan waxba laga beddelayn, heshiiska axsaabta iyo xukuumadda oo ah mid aan sharciyadda waafaqsanayn ay gole ahaan dib-u-eegis ku samayn karaan oo keliya haddii dhinacyada doorashadu khusaysaa ka soo baxaan waajibaadka ka saaran hawlaha u diyaar-garowga doorashada.

“Go’aankii Golaha Guurtidu gaadhay May 2015 ee ahaa muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada oo ku eeg bisha April 2017 waa sidiisii, wax isbeddel ah oo ka yimidna ma jiro, wuxuu ahaa go’aan distoori ah, waqtigaas aanu qabanay bil ka horna waxaa la qaban doonaa doorashada si aan dalku dawlad la’aan ugu dhicin, wax isbedel ah oo golaha ka yimidna ma jiro, anagana waxa naga dardaaran ah maanta laba bilood baa hadal lagu jiray, muddadaas oo ay ahayd in hawl badan la qabto, waxay ahayd in diiwaangelintii la bilaabo, asxaabta hawlihii aannu farnay ee ahaa inay gobollada iyo degmooyinka ku faafiyaan may bilaabin,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da shalay.

Mar la waydiiyey sababta ay Guurti ahaan u diiddan yihiin inay sharciyeeyaan waqtiga heshiiska axsaabta iyo xukuumaddu ka wada gaadheen qabashada doorashada, waxa uu ku jawaabay, “Horta wixii sharci ahi waa sharci, heshiiska ay wada gaadheena waa mid afka ah, laakiin sharciyad uu ku fadhiyo ama uu waafaqsan yahay ma jirto, halkaa waxa muuqanaysa in muddo saddex bilood ah uu dalku dawlad la’aan gelayo haddii Madaxweynaha laga helo doorashada oo Madaxweynahana uu ku sii adkaysanayo in muddo-xileedkiisii sidii yahay.”

“Marka laga yimaado sharciyadda gole dhaqan baanu nahay, axsaabtuna waa kuwo qaran oo waa axsaabtayadii, shacabka Somaliland-na go’aanka aad buu u taageeray, Madaxweynuhu wuu taageeray khudbadii 18-kii May, laakiin markaan dhaqanka u raaco haddii ta ay ka hadlayaan iyo shaqada laga doonayo ay qabtaan oo markay qabtaan ay Guurtida ku soo noqdaan ay yidhaahdaan odayaalow hawshii waanu qabanay oo sannad iyo lix bilood ayey noogu dhammaatay oo annaguna aannu aragno waayeel baanu nahay oo dib baanu uga fiirsan lahayn, laakiin maanta in la yidhaa go’aankii aad soo saarteen waxba kama jiraan, kuwooda ayaanay waxba ka jirayn ee kaayagu sidii buu u jirayaa, iyagana waxaan ku waaninayaa inay iska daayaan inay ku mashquulaan go’aanka Guurtida,” ayuu yidhi xildhibaanku, waxaannu intaa raaciyey isagoo ka hadlaya waajibaadka laga doonayo dhinacyada doorashadu khusayso, “Shaqada laga doonayo waxa ka mid ah in diiwaangelinta la galo, in xisbiyadu ku fidaan gobollada iyo degmooyinka oo axsaabta ay dhaadhiciyaan, in xeerkii caasimadda Hargeysa la sameeyo, in la sameeyo Xeerkii doorashada Golaha Wakiillada, in la sameeyo xeerkii xuduudaha gobollada iyo degmooyinka oo doorashada Wakiilladu ku xidhan tahay. Markaa anigu waxaan ku waaninayaa axsaabta, xukuumadda iyo Komishanka xilka iyo waajibkiinna u guta sida Golaha Guurtidu idiin tilmaamay oo qolo waliba ku mashquusho shaqooyinkii aannu u dirnay.”