GudsaleebaanHargeysa(ANN)Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shaaciyay magacyada guddi 29 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan muddo-kordhinta doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ee dib uga dhacday xilligii sharci ahaan la qaban lahaa ee 26 June 2015.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hoggaaminayey fadhigii golaha ee maanta, ayaa mudanayaasha u sheegay in xubnaha shirguddoonku isla garteen in arrimaha muddo-kordhinta loo saaro guddi xildhibaanno ah oo la-tashi baddan la yeesha saddexda xisbi qaran, Komishanka Doorashooyinka iyo dhinacyada arrintaasi khusayso si loo sharciyeeyo muddo-kordhinta loo samaynayo madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal kooban ka jeediyay madasha fadhiga golaha, ayaa sheegay in guddida ay saareen ugu talogaleen inay soo bisleeyaan arrinta.

“Waynagii ku heshiinay in aynu guddi ballaadhan oo tusmaysan oo metesha golaha u saarno (arrinta muddo-kordhinta) oo arrintana soo bislaysa, waxaanan jeclahay in aynu arrintaas isla qaadano,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Xubnaha Guddida goluhu u saaray ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta oo isugu jira saddexda xubnood ee shirguddoonka Golaha Guurtida, Xoghayaha Guud iyo 25 xildhibaan oo golaha ka tirsan, waxa magacyadoodu kala yihiin sidan:-

Sulaymaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha.
Siciid Jaamac Cali Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha.
Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar – Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan
Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf
Cabdiqaadir Maxamed Xasan
Siciid Xuseen Huruuse
Mamduux Cusmaan Sheekh
Cabdi-qaadir Aw Xuseen Mire
Xasan Sheekh Axamed Sheekh Nuux
Cabdi Cabdillaahi Xasan
Siciid Cabdillaahi Yaasir
Axmed Daahir Maxamuud
Cawil Xuseen Axmed
Farxaan Ciise Ubaxle
Cawil Cabdillaahi Caydiid
Axmed-nuur Aw Cali Aadan
Suldaan Isamaacil Suldaan Cabdiraxmaan
Cabdiraxmaan Qawdhan Muxumed
Xuseen Madar Xoosh
Caydiid Cabdi Maxamed
Nuur Rayaale Khayre
Xasan Cumar Axmed
Dayib Xasan Axmed Faarax
Maxamed Jaamac Abokor
Xirsi Ciise Jaamac
Cabdiraxmaan Axmed Araaye
Maxamed Shire Faarax
Cabdilaahi Ibraahim Habane oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida.

Gudida Doorashooyinka, ayaa hore u shaaciyey inay doorashooyinka qaban karaan 1 June 2016, taas oo muujisay in marka hore loo baahanayhaay muddo-kordhin ku salaysan dhinaca farsamada, iyadoo aanay dhinacyadu isu diidanayn dib u dhaca, balse xisbiyada mucaaridka, ayaa ka digay in muddo kordhinta la siyaasadeeyo oo laga baddiyo sannadka ay soo jeediyeen Komishanka Doorashooyinku.
Sidoo kale beesha caalamka, ayaa xukuumadda iyo Golaha Guurtida uga digay in la sameeyo muddo-kordhin ka baddan waqtiga Komishanku caddeeyeen inay farsamo ahaan ku qaban karaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee sanadka, taas oo la saadaalinayo inay ka baddan tahay mudda kordhinta xukuumadda iyo Baarlamaanka ee golaha guurtidu soo wadaan, isla markaana abuurtay sawaxan iyo buuq siyaasadeed oo laga dareemayo saaxada siyaasada Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.