guurtiHargeysa (ANN) Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey qiimaha sare ee shidaalka lagu iibiyo suuqyada dalka, waqti si uu weyn hoos ugu dhacay guud ahaan caalamka, isla markaana maamulka Haamaha Shidaalka Berbera dhawr jeer ugu baaqeen ganacsatada shidaalka inay jabiyaan qiimihiisa.
Fadhigii Guurtida oo yeeshay dood la xidhiidha dhaqaalaha dalka, ayaa xildhibaannadu kaga dayriyeen qiimaha shidaalka ganacsatadu ku iibiyaan, sicir-bararka iyo tayada raashinka, dhaqaalaha guud ee bulshada iyo sida aanay baayac-mushtarku ugu naxayn shacabkooda danyarta ah.
“Shidaalkii dunida in badan ayuu hoos u dhacay, welina waxaynu taagannahay 10-kii dollar (tobanka litir) iyo in ka badan. Marka horeba Soomaali ahaan caado ayeynnu leenahay oo waa ta wax inagna xumaysa, haddaynu wax kordhinno dib uma soo celinno koob shaah ahna ku dhehoo, laakiin ciddii dib u soo celin lahayd ee tacriifadda wax ku salayn lahayd waa xukuumadda. Arrintaas xukuumaddu danteeda ayey ka raacday, wayna ilolwday hawshii shacabka.” Sidaa waxa yidhi xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo ka qaybgalay doodda Golaha Guurtida.
Waxa kaloo uu sheegay in cuntada waarido dibadda laga soo waarido mid tayadeedu liidato, isagoo soo jeediyey in xoogga la saaro wax-soo-saarka, waxaannu yidhi, “Dalkeenna raashin baa la keena, raashinkaasi adduunyada kii ugu xumaa weeye, waxa jirta maraakiib dhan oo saliid ah oo tujaarteennu keentay oo aan dadkuba cunin, xannuuno badanan keentay, bariiska iyo baastadana kuwa ugu liita ayaa la inoo keenaa, waana labada innoogu badan.
Waxqabadka dawladdu ha innoogu beddesho wax-soo-saar. Raashin baynnu leenahay oo dhulkeenna wax baa ka baxa ee haddii la doonayo in dhaqaaluhu kobco aan dhulkeenna wax-ka-soo-saarno. Cashuur la kordhinayaa waxba inooma tarayso, dawladna wax u tari mayso, shacabkana way dilaysaa ee waxqabadka dawladda ha lagu saleeyo wax-soo-saar.”
Md. Obsiiye waxa uu tilmaamay in bulshada Somaliland noqdeen dabaqado kala sarreeya, isagoo xukuumadda u soo jeediyey inay kala xadayso ganacsatada, “Ganacsatada waxaan leeyahay, inta kolba mashiin yar oo dawladdeed qandaraas igu siiya leedihiin. Fadlan waxaad u baydhaan oo lacagtiina galisaan sidii wax loo soo saari lahaa ee dalku wax-soo-saar cunto u heli lahaa, adduunyadana ta la isku dhaafay waa beeraha.
Baayac-mushtariga inyar oo dhiig-miirato ah baa samaysataye halagu soo celiyo baayac-mushtarigii isku miisaannaa ee midna keeni jiray midna ka sii iibsan jiray. Sidaynnu hore ugu maraynaa waa sidaas, laakiin nin taajir ah oo galaankiina iibinaya, jawaankiina iibinaya waynnu ku baaba’nay. Maanta Somaliland sidii Hindiya ayey saddex dabaqadood u qaybsantay, waa in liidata, in wali noloshoodu sii jiitamayso iyo in cirka gaadhay,” ayuu yidhi Md. Axmed Muuse Obsiiye.
Xildhibaan Siciid Cabdillaahi ayaa isna sheegay in muddadii xukuumadda KULMIYE talada haysay uu kordhay dakhliga dawladda oo keliya, balse hoos u dhacay dhaqaalaha bulshadu, waxaannu yidhi, “Dhaqaaluhu waa laba; waa ka xukuumadda iyo ka bulshada, dhaqaalaha xukuumaddu wuu kordhay oo iyagaa sheegay inay markii hore ugu yimaadeen 47 Milyan oo dollar, haddana uu marayo 250 milyan dollar.
Markii Xxukuumaddani timi doolarku ($100) wuxuu marayey 600,000 kun shillinka Somliland ah, maantana wuxuu marayaa 735,000 (toddoba boqol iyo shan iyo soddon kun). Boqol iyo shan iyo soddon ayaa ku kordhay. Markaa waxan kordhay ee ay sheegayaan waa wax dadweynaha ku kordhay oo dhaqaalahoodii dhabarka ka jabiyey. Marka dhaqaalaha xukuumaddu kor-u-kacaba waxa barbar-socda kiradii guryaha oo dollar ah oo korodhay, dhakhtarkii dadka baadhayey ee 10-ka kun shillinka Somaliland ahaa oo 20 dollar tagay tigidhkiisii.”
Sidoo kale, xildhibaan Sahal Iidle Dirir, ayaa isna dooddiisa ku yidhi, “Dhaqaalaheennu aad iyo aad buu u liitaa oo waynu ognahay inaynaan waxba soo saarin, waxaan qabaa inaynu wax ka beddelo qaabkaynu u shaqaysanno. Tusaale ahaan; waxaad arkaysaa intaas oo mashruuc oo maalin walba la furayo, laakiin mid keliya oo wax-soo-saar oo dalka wax soo galinayaa sida beeraha kuma jiro.
Qoladeenna ganacsatada ahi wuxuun bay raadinayaan maalin taajir. Ninkasta oo isku daya inuu ganacsado wuxuun buu ku fikirayaa sidii uu muddo kooban ugu noqon lahaa taajir, wax alle wax uu u tudhayaana maba jiro,” ayuu yidhi Md. Dirir.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com