Araweelo News Network.

Shacbiga Maraykanka Oo Ka Walaacsan Xaaladda  Ammaanka Iyo Hanjabaadaha Madaxweyne Trump dhammaadka Natiijada Doorashada

By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

Washington)ANN)-Doorashada Dalka Maraykanka, ayaa u muuqata mid aan weli si rasmi ah loogu kala guulaysan, iyadoo muran iyo xiisado laga cabdi qabo inay horseedaan qalalaase ka dhashaan.

Doorashada shaxda lagu calaamadiyay gobollada sida labada xisbi u kal heleen, walaw aannay weli ahayn natiijada rasmig ah, Image file Araweelo News Network. 6 Nov 2020.

Muran weyn ayaa u dhexeeyay labada xisbi ee Dumuqraadiga iyo Jamhuuriga, doorashada ayaa loo dareeray maalintii Talaaladii u horaysay November 2020,  Madaxweyne Dowland Trump oo u sharaxan xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo ah Madaxweyne ku xigeenkii hore, isla markaana ah murrashaxa xisbiga Dumuqraadiga ayaa si weyn loolan adag oo taariikhi ah u dhexmaray.

Tartamayaasha doorashada ayaa isku dayaya inay galaan qolka meesha lagu tiriyo codadka maqnaanshaha ee Detroit, Mich., Arbacada. (Salwan Georges / Washington Post)

Tartamayaasha doorashada ayaa isku dayaya inay galaan qolka meesha lagu tiriyo codadka maqnaanshaha ee Detroit, Mich., Arbacada. (Salwan Georges / Washington Post)

Codadka ilaa hadda la tiriyay waxa ku horeeya Murrashaxa Dumuqraadiga Joe Biden oo haysta tirada codadka urursan ee Ergooyinka Wakiiladda (Electoral College vote) 264, halka uu codadka dadweynaha haysto 73, 565, 924, Trump, ayaa isna haysta codadka urursan ee Ergooyinka Wakiiladda (Electoral college vote) 2014, halka codadka dadweynaha uu haystaa yihiin 69, 672, 295, cod.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Jeo Biden, ayaa u dhow guusha, wuxuuna u baahanyahay oo lix cod oo Wakiiladda ah (Electoral college vote), isagoo haysta 264,  isla markaana laga doonayo 270 Ergey oo wakiiladda codadka urursan ah inuu helo , sidaa awgeed haddii uu Navada oo leh 6 Wakiil si dhab ah ugu guulaysto, wuxuu si toos ah u noqonayaa Madaxweynaha 46aad ee Maraykanaka.

Gobolada ahmiyada weyn u leh doorashada Maraynka ee lagu muransanyahay waxa ka mid ah Wisconsin, Pennsylvania, Michigan, Georgia, Arizona, North Carolina, Nevada, iyo Alaska oo abuuray xaalad muran ka dhalisay natiijada doorashada ee hordhaca ah, kuwaas oo inta baddan haatan lagu kala baxay.

Blasé gobollada Georgia, Pennsylvania, North Carolina, Nevada, Alaska, ayaa hada noqday kuwa natiijada guushu isugu soo ururtay, iyadoo dib loo tiriyay dhammaan codadkooda, marka laga reebo tiro aad u yar, waxayna warbixinaha hordhaca ah sheegayaan in Georgia, Pennsylvania iyo Nevada uu si weyn ugu horeeyo Jea Biden, taas oo haddii la xaqiijiyo si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu ku guulaystay doorashada Maraykanka ee 2020, isla markaana noqonayo Madaxweynaha Afarta sannadood ee socda.

Alt, Araweelo News Network

Hase yeeshee Madaxweyne Trump oo durbaba muujinaya kalsoonidarii uu ka qabay doorashada iyo natiijadeeda, ayaa ku dhawaaqay guul uu sheegtay inuu ka gaadhay doorashada, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga Dumuqraadiga in ay wax is dhaafiyeen, isagoo dacwado ka dhan ah gobollada lagaga guulaystay furtay.  Trump mar hore ayuu qirtay in aannu aqbali doonin natiijooyinka doorashadan, wuxuuna isku deyayaa inuu samayn doonno waxkasta oo awooddiisa ah si uu markale usii joogo Aqalka Cad,

Trump, haddii  uu waayo teeramkii labaad ee inuu xafiiska sii joogo, wuxuu noqonayaa 27 sannadood kadib Murrashaxii Xisbiga Jamhuuriga ee waaya xafiiska teeramkii labaad isagoo Madaxweyne ah sidii ku dhacday Goarge Herbert Bush oo xafiiska hayay 1989 ilaa 1993, kaas Murrashaxii Xisbiga Dumuqraadiga Biil Cilinton kaga guulaystay doorasadii.

 

Doorashada Maraykanka ee sannadkan 2020, waxay noqonay tii ugu saamaynta badnayd ee dadka ugu baddan codkooda dhiibteen sannadii u danbeeyay, waxaana codkooda dhiibtay in ka baddan 1.5 Millyan, taas oo noqonay in ka badan saddex-meelood laba tirada guud ee codadka la dhiibtay doorashadii 2016.

Ma jirto weli qiimeyn dhammaystiran oo ku saabsan heerarka ka-qaybgalka doorashada 2020 in muddo ah, taas oo qaadanaysa muddo wixii ka dambeeya 3 Nov 2020. Laakiin doorashadii madaxweynenimada ee 2016, ku dhowaad 56% ee dadka da’da cod-bixinta ee Mareykanka ayaa codeeyay, taas oo ka dhigan inuu jiray kor u kac laga soo bilaabo doorashadii 2012,  laakiin way ka hooseysay sannadkii 2008, diiwaangelinta oo ay u soo baxeen 58% dadka da’da codbixinta ah.

Natiijada doorashada ee weli laalan, ayaa noqotay mid cabsideeda leh, iyadoo la saadaalinayo in ay doorashadan abiirto xiisado horseeda dagaalo iyo qalalaase uu waajaho Maraykanku xilli uu la daalaa dhacayo dhibaatooyin dhaqaale iyo xannuunka COVID-19, kaas oo ahaa rukumada ugu waaweyn ee natiijada codboyayaasha Maraykanka samaynta ku yeeshay, isla markaana xisbiga Dumuqraadiga u ahaa safka hore ee kaanbaynka.

By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

Email: Jaamac132@gmail.com