Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in haddii Somaliland la jaan-qaadiwaydo nidaamyada maalgashiga casriga ah iyo tartanka dunida casriga ahi ku jirto ay meel cidlo ah ku hadhi doonto.
Wasiir Cumar Shucayb oo faahfaahin la xidhiidha Xeerka Shirkadaha (Somaliland Company Law) oo ah wax-ka-beddel cusub oo lagu sameeyey xeer hore u jiray ka siinayey Golaha Wakiillada, waxa uu ka hadlay baahida maalgashi ee ay qabto Somaliland iyo doorka shirkadaha ganacsigu ku leeyihiin maalgashiga adduunka oo uu xusay inay iyagu waqtigan maamulahaan dhaqaalaha, sidaa darteedna ay lagama maar noqotay in ay xukuumad ahaan qaadaan tallaabooyin.
Isagoo arrimahaasi sharraxaya waxa uu yidhi, “Xidhiidhka dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ka dhexeeya waxa haga dastuurka iyo xeerar kale oo uu ugu horreeyo xeerkan shirkaduhu, xil baana dawladda ka saaran inay siiso dhiirrigelin iyo xannaanayn dheeraad ah shirkadaha ka jira waddanka iyo kuwa mustaqbalka la unki doono, waxa kaloo uu xeerkani fure u yahay dhiirrigelin wayna uu siin doonaa maalgashiga caalamiga ah ee hadda inoo bilaabmay ee ay ugu wayn tahay sida shirkadda DP World iyo shirkadaha kale ee danaynaya inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland.
Dunidu maanta tartan bay ugu jirtaa maalgashiga caalamiga ah ee shirkadaha waawayn, waayo sidaynu la socono adduunyadu waxay isku beddeshay shirkado wax maalgashada. Haddaynaan dunida casriga ah la jaanqaadin waxay noqonaysaa in aynu meel cidlo ah ku hadhno, markaa xeerkan shirkaduhu wuxuu fure u noqon doonaa ka faa’iidaysiga khayraadka ku duuggan dalkeenna oo aynaan waxba ka qaban, maanta dadkeenu ma awoodaan inay la soo baxaan Kalluunka dalkeena ka buuxa iyo inay wax beertaan oo cuntadeenna la soo baxaan, wuxuu xeerkani abuuri doonaa in la hirgeliyo mustaqbalka shirkado ay wada yeeshaan muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadweyne caalamka ah si ay dadkeennu wax uga koradhsadaan xirfadaha, isla markaana ay ku dhiirradaan in dalkeenna wax lagala soo baxo.”
Waxa kaloo uu sheegay in xeerka cusub caddaynayo hannaanka loo raacayo abuurista shirkado dadku wada leeyahay oo saamilay ah, taas oo ahayd dhibaatada ugu wayn ee hortaagnayd ganacsiga sida wadajir ah loo samaysto oo aanay aqoon u lahayn dadkeennu.
“Runtii dadkeenu aqoon durugsan uma laha sida loo wada samaysto shirkad, loona maamulo, waana sababaha ugu waawayn ee aynu xeerkeenii hore ee shirkadaha Lr.25/2004 wax uga beddelnay, una samaynay kan cusub, waayo xeerkaasi muu caddaynayn wax-wada-lahaanshaha shirkadaha ee lo yaqaan saamiyada, taas oo caqabad ku ah haddaynu doonayno in aynu abuurno shirkado muwaadiniintu wadayeeshaan iyo sida saamiyada u wada yeelanayaan.
Arrintani waxay u baahan tahay sharciyad adag oo ku saabsan nidaamka isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta oo aan lahayn madmadow iyo wax-isdabamarin, xeerkii muu tilmaamayn marka shirkaddu kacdo ama ay ku dhawaaqdo inay kacday oo noqonaysa marka shirkaddu dabooli kariwaydo kharashaadka aasaasiga ah ee ay iska bixin kariwaydo mushaharka shaqaalaha iyo kharashka socodsiinta hawsha, markaa xaaladdaasi waa in loo maro hab sharci ah si aanay u sababin in shirkaddaasi kala kacdo xaq ay lahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah sida marar innagu dhacday ee loo waayey sharciyad lagu maamulo.”
Dr. Cumar Shucayb waxa uu shaaciyey in Wasaaraddiisa oo u xilsaaran bixinta ruqsadaha ganacsiga wax dhoofinta iyo soo dejinta iyo diiwaangelinta ruqsadaha shirkadaha ka ka shaqeeya dalka ay wax ka beddeshay nidaamkii hore loo mari jiray bixinta liisamada ganacsiga oo culays badan ku hayey muwaadiniinta iyo dad kale ee doonaya inay shirkado ka hirgeliyaan dalka, kaasi oo waqti iyo tacaba kaga bixi jiray dhammaystirka waraaqaha iyo shuruudaha oo kaga xidhnaa wasaarado iyo hay’ado kala duwan, marka u dambaysana soo gaadhi jiray Wasaaradda Ganacsiga.
“Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashigu iyadoo dardargelinaysa hawlaheeda shaqo waxay samaysay in laga guuro nidaamkii diiwaangelinta ganacsiga ee gacanta laga qaban jiray, loona guuro nidaam casri ah oo iminka dawladuhu isticmaalaan oo ah in goob keliya laga wada diiwaangeliyo shirkadaha oo uu qofku meel keliya ka dhammaysan karo hal maalin oo keliya, si loo yareeyo maalmaha badan ee ay qaadato diiwaangelinta ganacsigu, nidaamka cusub oo uu naga caawiyey Baanka Adduunku waxa aannu hadda ka samaynay saddex gobol oo kala ah Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer, iminkana waxaannu doonaynaa in aannu ka hirgelino gobollada kale ee waawayn ee hadhay. Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray ganacsiga dunida oo la soo saaray 2012 waxa Somaliland ka qorantahay oo ay ku sheegeen in shirkad ganacsi aad ka diiwaangeliso Somaliland waxay qaadanaysaa inaad marto nidaam dheer oo leh 11 jaranjaro oo qaadanaysa ugu yaraan 29 maalmood,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiirka Ganacsigu.