Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, ayaa ka hadlay shuruudaha diinta Islaamku ogoshahay in lagu xusho qofka loo dhiibayo masuuliyad umadda ka dhaxaysa.
Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf waxa uu sheegay in diinteena Islaamku tilmaantay qodobada laga doonayo cidda loo igmanayo masuuliyad ummaddu leedahay ay ka mid yihiin ammaano iyo aqoon, kuwaas oo uu ku saleeyey qisooyin ay lahaayeen Nebiyadii hore qaarkood oo Ilaahay kaga warramay Qur’aanka Kariimka ah.
“Haddaad diinta dib ugu noqoto waxaad arkaysaa Qur’aankeenna Nebi Yuusuf (CS) markii uu fasirayey riyadiisii toddobadii sanno ee barwaaqada ahaa iyo toddobadii sanno ee abaarta ahaa iyo halkii sanno ee barwaaqada ahaa ee uu doonayey in loo dhiibo xilka Wasiirka Maaliyadda wuxuu yidhi ‘waxaan ahay mid ammaani ah oo aqoonna u leh shaqadan.’ Macnaheedu waxa weeye shaqo kasta oo jirta waa labada qodob ee horumar lagu gaadhi karo, markaa qofka xil qabanayaa waa inuu noqdo qof aamin ah oo waxan loo dhiibay ilaalinaya, sidoo kalena waa inuu noqdaa qof waxan loo dhiibay aqoon u leh, haddii labadaa qodob la helo shaqadaasi way hagaagtaa.
Sidoo kale, Nebi Muuse (CS) markii shaqada loo dhiibayey waakii lahaa ‘waxaan ahayn mid awood leh oo aamiin ah,’ waayo Nebi Muxamed (NNKHA) wuxuu yidhi ‘Muuminka xoogga badani wuxuu ka khayr badan yahay muuninka dafiicka ah,’ iyadoo la wada yahay muuminiin ayaa haddana ka xoog iyo kartida leh ee wax qaban karaa uu ka fiicanyahay ka dafiicka ah ee haddii uu doono cibaadada badan laakiin aan awood iyo karti uu wax ku qabto aan lahayn, haddana aamin ah,” ayuu yidhi Md. Khadar Xaaji Yuusuf oo hadal ka jeediyey madal lagaga hadlayey taakulada abaaraha oo lagu qabtay Hargeysa shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa raaciyey, “Markaa waxaad arkaysaa marka labadaa aayadood ee Qur’aanka ah la isku daro in qofka wax loo dhiibayaa uu boqolkiiba 50% noqdaa mid ammaano leh, haddii qofku uu aqoon iyo karti badan leeyahay laakiin uu yahay khaayin oo qallinka wax ku xadayo wax allaale wax imanayaa ma jiro ee waxay noqonaysaa in shaqadasi baaba’do oo lagu rogmado, waayo tuug ayuun baad wax u dhiibatay aan lahayn ammaano. Boqolkiiba 50% soo hadhayna waxaa la yidhaa waa in qofku aqoon u leeyahay waxa uu qabanayo, isla markaana uu leeyahay karti uu ku qaban karo, waayo haddii uu aqoontii leeyahay oo uu bilaa karti yahay ama daciif cagta lala dulmarayo aqoontiisii waxba ma tarayso oo waa la jiidhayaa.”
Waxa kaloo uu ka hadlay shaqada guddiyada abaaraha la magacaabo xilliyada ay timaado xaaladda abaartu, waxaannu dhaliilay in guddigu shaqadoodu ku koobnaanto waqtiga gurmadka oo keliya, isagoo soo jeediyey inay noqdaan guddi horumarineed oo ka shaqaysa qabashada biyaha iyo sidii looga faa’iidaysan roobka si looga hortago dhibaatada soo noqnoqonaysa.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sannad walba waxaad arkaysaa guddi abaareed oo la sameeyo, guddidaasi marka roobku da’o way iska nastaan, marka haddana abaartu timaado ayey dib u soo kacaan, taasi waa khaladaadka waawayn ee aynu galno, waxay ahayd dambiyada aynu galno ayuun bay waxani ku yimaadeene haddii Ilaahay innaga soo furtay iyadoo uu inoogu naxariisannayo xoolahaa iyo dadka dhibaataysan ee aan dambi lahayn oo uu Ilaahay raxmadiisii inna siiyey waxay ahayd in raxmadaasi haddana loo fikiro oo dhaqaalihii la galiyey abaarta oo malaayiin dollar ah maanta in dhaqaale ka badan la galiyo sidii biyahaa loo qaban lahaa si looga faa’iidaysto oo wixii ku soo maray aanay mar kale ku soo marin, halkii Guddiga Abaraha ay ka ahaayeen ay ka noqdaan guddiga horumarinta, xataa magacaa abaaraha ee badan ayaa laftiisu khaldan ee in la innaga daayo oo loo bixiyo magac kale, markaa guddiga abaaraha heer qaran iyo kuwa degaannada ama reerahaba ee samaysmay waqtigan dhibaatada oo dhan inay isu rogaan guddiyo ka shaqeeya arrimaha biyaha xilligan roobka oo lagu dadaalo sidii loo qodi lahaa ballayo iyo ceelal oo weliba si cilmiyeysan loo daraaseeyaa.”