Dardaarankiisii Maansada

Hargeysa(ANN)- Allah haw naxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo muddooyinkii u danbeeyay xaaladdiisa caafimaad lala tacaalayay.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame, wuxuu ahaa halgamaa ku taxan taariikhda halganka geyiga Soomaalida iyo guud ahaan dunida inta ay ku nool yihiim dadka dulmin oo xaqooda raadinaya, suugaantiisa badweynta ah ee lagu faafiyay luqadaha baddan ayaa laga dareemayaa halgankiisa aan ku koobayn geyiga Soomaalida iyo geeska Afrika oo keliya.

Geerida Abwaan Hadraawi, ayaa laga dareemay geyiga Soomaalida oo dhan, waxayna qof walba ku noqotay naxdin iyo murrugo tiiraanyo ah.

Laxidhiidha: Waa Kuma ‘Hadraawi’? W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Abwaan Hadraawi wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco sanadki 1943kii, waxa uu ka dhashay qoys faqiir ah oo ka koobnaa 9 carruur ah, hal gabadh iyo siddeed wiil. Maxamed Ibraahim markii uu 9 jir ahaa waxa loo qaaday dalka Yemen, gaar ahaan Magaalada Cadan, adeerkii Axmed Warsame Siciid(Niibsan) oo degenaa halkaas ayaa loo geeyay isagoo xilligaa 9 jir ahaa, halkaas ayaa aayooyinkiis Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur Qaaje ay ku gacan qabteen oo ku hanteen una galeen halkii hooyadiis.

Laxidhiidha: Abwaan Hadraawi Halgamaa Ku Taxnaa Taariikhda Geyiga Soomaalida Oo Geeriyooday

Dugsiga ‘Baaderiga Tawaahi’ (St. Anthony’s High School.), balse Soomaalidu u taqaanay Baadariga ayuu Af-Ingiriisiga kaga soo baxay. Carabida uu dugsiyada Cadmeed ka bartay,Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare .) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Halkaas ayuu ka galay dugsi, iyadoo magaca uu ku can baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay, waraysi uu bixiyay ayuu ku sheegay magacu inuu asal ahaan (Abuu Hadra) oo uu macallinkii dugsigu u bixiyay, maadaama uu ahaa nin ardayda aad ugu sheekeeya, kana qosliya. Marki uu dugsiga ka baxayna wuxuu macallin ka noqday mid kamid dugsiyada hoose ee dalka Yemen.

Markii ay Somaliland xornimada qaadatay, ee ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koofur, Hadraawi Yemen wuu ka soo tagay isagoo dib ugu soo laabtay dalkiisa magaalada Muqdisho, isagoo halkaas mar kale noloshiisa ka billaabay, wuxuu ku biiray jaamacadda Umadda, ka qali jebiyay oo isla iyadana uu bare ka noqday, iyadoo ay bar-bar socotay inuu la shaqaynayay wasaaraddii warfaafinta iyo Radio Muqdisho.

Hadraawi oo noqday gabyaa iyo heeso curiye caan ka ah bulshada dhexdeeda wuxuu ahaa nin aad uga soo hor jeeda maamulkii millateriga ahaa ee uu majaraha u hayay Maxamed Siyaad Barre, heeso iyo gabayo ka soo horjeeday maamulkiisa oo uu tiriyay darteed, wuxuu Siyaad Barre la yeeshay kulan ay labadoodu isku waajaheen, wuxuuna isku deyey inuu ku qanciyo sidii uu Kacaanka u adeeci lahaa, isagoo Siyaad Barre ku dodoay inuu keligii kasoo horjeedo, balse Abwaan Hadraawi ayaa si aan gabasho lahayn ugu sheegay in aannu aqbalayn dalabka Madaxweynaha oo aannu ka tanaasulayn aragtidiisa, “Anniga iyo Cabdi Aadan Qays waan kaaga tegeynaa Maxamed Siyaadoow Maqaaxidan ee keligaa shido oo Baasabooro na sii” ma waxaa doonaysaan inaa meelahaa iga soo caydaan” Maxamed Siyaad Barre, ayaa bixiyay su’aashaa oo uu Hadraawi ku celiyay, sida uu Allah haw naxariistee ku sheegay waraysi intii uu noolaa, wallow aan ahayn kulankaa keliya kulamdii dhexmaray isaga iyo Maadaxweynihii xilligaa Maxamed Siyaad Barre, balse waxayna arrintaasi sababtay in xabsiga loo taxaabo, waxaana lagu xidhay magaalada Qansax Dheere oo ah magaalo 90km dhanka koofur galbeed ka jirta magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo, wuxuuna xabisag ku jiray 5 sano laga soo billaabo 1973 ilaa 1978.


Hadraawi markii uu xabsiga ka soo baxay wuxuu ka mid noqday maamulka Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e “Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.

1dii May 1982-kii ayuu tegey goobaha uu ka socdey halganka Mucaaradka Soomaliyeed ee ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee la odhan jirey SNM .oo loo soo gaabiyey (Somali National Movement). Wuxu halkaas ka galay halgan siyaasadeed, suugaaneed, wadaniyeed iyo mid xoriyadeedba. Allena wuu ku guuleeyey kaas, haddana wuxu ku jiraa halgan kale oo nabad, caddaalad iyo midnimo doon ah.

Burburka iyo dagalladii sokeeye Hadraawi wuxuu tagay Ingiriiska isagoo kaddibna safarro ku soo maray inta badan waddamada Yurub iyo Maraykankaba, wuxuuna ka qayb galay xaflado faneed oo lagu dhigayay waddamadaas.1999 ayuu Hadraawi ku laabta Somaliland, isagoo intii danbe deganaa Magaalada Burco, balse muddoyinkan danbe ee uu xannuunsanayay ku noolaa Hargeysa.

Heesaha ugu caansan ee lagu xasuusto Hadraawi waxaa kamid ah: Beledweyn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar. Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaankii lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec. Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool. Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee Fannaankii Maxamed Nuur Giriig. iyo kuwa kale oo badan.


Qaar kamid ah Gabayada, Suugaanta iyo heesaha uu sameeyayna waxaa lagu tarjumay luqado kale si ay uga faa’iidaystaan dadyow kale oo dunida ah.
Gabayadiisana waxaa kamid ah: Gudgude, Daalallay, Daba huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt. Silsiladdi Sinlay oo uu qayb ka ahaa, iyo kuwa kale oo badan.


Abwaan Hadraawi, ayaa sannadkii 2021-kii soo bandhigay buug cusub oo uu muddo 10 sanadood ah ka shaqeynayay oo la magacbaxay HAWAALE WARRAN.


Buugga HAWAALE WARRAN waxa uu ku bilaabmayaa Arar kooban oo daarran aragti nololeed oo kugu xidhaysa sababaha uu abwaanku xilligaas buugga u daabacay iyo gogoldhig uu abwaanku kaga warramayo noloshiisii, hanaqaadkiisii iyo bilawgii halabuurkiisa ee horraantii 1970naadkii qarnigii tagay iyo noloshiisii xabsiga ee Qansaxdheere.


Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi sannadki 2012-kii wuxu ku guulaystay abaalmarinta Caalamiga ah ee Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo maansooyinka oo noqday heeso iyo suugaan waxtarka u leh bulshada ee uu sameeyay, isla markaana suugaantiisa ayaa loo turjumay Afafka qalaad, wuxuuna AbwaankuAllah haw anxariistee ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 18 August 2022, halkaas oo aass-qaran loogu samaynayo maalinta Jimcaha ee 19 August 2022.

  1. Cishaday dellegan tahay,
  2. Dalandool u tahay iil,
  3. Godka loogu daadego,
  4. Naftu way dayacan tahay;
  5. Dulucdani nin nooloow,
  6. Anna tayda doqonta ah,
  7. Waa dardaarankeedii;
  8. Qabrigaygu deyr ma leh,
  9. Derbi iyo astaan ma leh,
  10. Dugsashiyo ag-joog ma leh,
  11. Dunbukh iyo salaan ma leh,
  12. Damdam iyo aloos ma leh,
  13. Iyo darammal luuq dheer,
  14. Dab la rido ka waaweyn;
  15. Ilmo layla daba galo,
  16. Naxashkayga lagu dedo,
  17. Duxi iima saarnee,
  18. Yaan layga sii darin!
  19. Yaan la ii dabbaal-degin!
  20. Kol hadday dac-wadhan tahay,
  21. Dembigeeda keydka ah,
  22. Dibnaheedu qirayaan,
  23. Lafahayga duugga ah,
  24. Yaan dushooda lagu shirin,
  25. Billad dahab ah lagu tolin,
  26. Iyo taallo damac badan.
  27. Qofka ii duceeyoow,
  28. Rabbigay ku darajee,
  29. Qofka iga ducaystoow,
  30. Dummaddaada weeyaan.
    Maansadani waxay soo baxday 26/8/2006

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com