Araweelo News Network.

 

 Somaliland: Madaxweyne Oo Boqolaal Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada oo Ka Qayb-galay Aaska Qaran Ee Loo Sameeyey Marxuum Aadan Yuusuf Abokor Halyeeyadii UFFO

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Aadan Yuusuf Abokor oo kamid ahaa halgamayaashii  ibo-furay ururkii dhallinyarada ahaa ee ka dhiidhiyey dhibaatadii iyo tacaddigii uu taliskii Siyaad Barre kula kacay bulshada ku dhaqan Somaliland ee UFFO,siddetanaadkii.

kaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Alt, Araweelo News Network

Marxuumkla ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaana Aaska qaran ee marxuum Dr.Aadan Yuusuf Abokor loo sameeyay ka dhacay deegaanka Toooo duleedka Koonfureed kaga beeggan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

AKHRI: Axmed Siilaanyo Oo Ka Hadlay Geerida Cumar Carte Iyo Aadan Abokor

Sidoo kale, waxa ka qaybgalay xubno kamid ah shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland, madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimaa’udiin iyo boqolaal ka mid ah qaybaha bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay taariikhda uu lahaa Marxuum Aqioonyahan Dr. Aadan Yuusuf Abokor, isagoo ka tilmaamay kaalintii uu ku lahaa halgankii lagaga dhii-dhiyey taliskii Siyaad Barre iyo sidii uu mar kasta tusaalaha ugu ahaa wanaagga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Addoon ka shaqayn jiray samaha iyo isu soo dhaweynta dadka, una dabranaa wanaagga iyo danta guud, “Ninkaasi wuxuu ahaa addoon Ilaahay nabadda iyo dadka isu soo dhaweyntooda iyo wanaagga u diray, intii uu joogay soddonkii sano ee dambe wuxuu ka shaqaynayay samo-falka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaalka Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuum Aadan Yuusuf Abokor image Hargeysa Araweelo News Network, 22 November 2020.

Sidoo kale, waxaa taariikhda marxuumka ka hadlay dadkii aqoonta dheer u lahaa taariikhdii iyo halgamaanimo ee Marxuum Aadan Yuusuf Abokor, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah saaxiibadii gaarka ahaa ee marxuumka, siyaasiyiin iyo ganacsato, waxayna dhamaantood qireen doorkiisa halkanka iyo dib-u-dhiska dalka iyo shaqsiyadii uu lahaa oo ay ka marag-kaceen inuu ahaa Marxuum Aadan Yuusuf aqoonyahanka tirada yar ee naftooda iyo noloshooda u horay halgankii xoraynta oo uu ku mutaystay xabsi, isaga iyo saaxiibadiisii UFFO, iyo sidpo kale doorkii uu ku lahaa dhismaha, nabada iyo horrumarka dalka.

Dhinaca kale, Dr. Aadan Yuusuf Abokor, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii aqoonyahanka ahaa ee ay hormoodka u ahaayeen isaga iyo Aqoonyahan Maxamed Baaruud Cali oo xilligan ah Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland iyo saaxiibo kale oo ka mid ahaa kooxdii UFFO, oo ay dawladdii Maxamed Siyaad Barre xabsiga dhigtay, iyadoo sameeyay hawlo sama-fal oo ay doonayeen inay bulshadooda ugu adeegaan, isla markaana wax kaga qabtaan adeegyada Caafimaadka iyo waxbarashada, taas oo ku mutaysteen xabsiga.

Dr. Aadan iyo saaxiibadii oo ka koobnaa 20 xubnood  waxa la dhigay xabsiga, waxaana Maxamed Baaruud Cali oo xuddunta abaabulka UFFO, ahaa lagu xukumay xabsi daa’iyin,, halka 13 kale midkiiba lagu xukumay 20 sannadood, lix kalena midkiiba dhawr sannadood lagu xukumay, balse caddadis caalami ah oo xukuumaddii Millateriga ahayd kaga yimi quwadaha waaweyn iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha ayaa sababay in lasoo daayo, siddeed sannadood iyo dheeraad walaw jidh-dil iyo tacadi baddan loo geystay muddadii ay ku jireen xabsiga Hargyesa ee ciiddankii hangashta iyo Xabsigii Labaatan-jirow ee Muqdisho  oo loo qaaday 14 ka mid ahaa kooxda UFFO.

READ:  How Hassan Gure Helped BBC reporter Elizabeth Blunt Expose Atrocities in Hargeisa

Allah ha u naxariistee Dr. Aadan Yuusuf, wuxuu ahaa mid ka mid ah halyeeyadii ugu qiimaha badnaa ee Dadkooda iyo dalkooda usoo huray naftooda, wuxuuna lahaa taariikh aan la ilaabi doonin oo ay raadadkeedu muuqdaan oo ku sutan doorkii ay isaga iyo saaxiibadii ku lahaayeen halgankii iyo dhismihii dalka Somaliland.