Hargeysa (ANN)-Allah haw naxariistee waxa maanta Magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Yuusuf Cawed (Yuusuf Kirix) oo ahaa Halgamaa iyo Oday Siyaasi ah oo kasoo jeeday qoysaska ugu magaca dheer Hargeysa.
Marxuumka ayaa oo maydkiisa laga qaaday xaafada 150-ka ayaa la geeyay xabaalo gaar ah oo ku yaal duleedka galbeed ee keliyadda tababarka macalimiinta ee Waqooyiga Hargeya.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiin axsabata qaranka. Siyaasiyiin. Xildhibaano iyo boqolaal qaybaha kale bulshada ayaa ka qaybgalay aaska marxuumka oo si weyn loo maamuusay, iyadoo dhanbaalada lagu tacsiyaynayo la imanayan gobolada Somaliland iyo meelo kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda iyo ka Shacbiga JSL, ayaa dhanbaal tacsi u diray Waxgaradka, waayeelka, Mujaahidiinta, Aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Kirix Cawad.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey in ahaa Mujaahid, Haldoor, Siyaasi iyo Aqoonyahan door laxaad leh ka soo qaatay Halgankii dib u xorreynta dalka, isaga oo ahaa shaqsiyaadkii hormuudka ka ahaa dib-u-dhiska iyo aasaaska Dawladnimada dalka JSL.
Marxuum Yuusuf Kirix Cawad ayaa hore u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLAH SWT uga baryayay in uu naxariisto, Jannatul Firdowsa Aclaa ka waraabiyo; Waxgaradka, Waayeelka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabada, Asxaabtii iyo guud ahaanba Shacbiga Jamhuuriyadda ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Dad badan oo ka hdkay geeridisa ayaa ka Hadlay doorka uu ku lahaa halganka, Dhismaha dalka iyo Odaynimadiisii Mujaahid Yuusuf oo ahaa nin xidhiidh baddan la lahaa bulshada, waxayn tilmaameen inuu qof ahaan iyo qoys ahaanba ay bulshada ku lahaayeen isaga iyo qoyskiisu ixtiraam iyo qadatin.
Sidoo kale. Madaxweynihi hore Muuse Biixi oo ka mid ahaa dadka ka qaybgalay ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Yuusuf Kurix qoyskii, ehelkii Iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay .
“Marxuumku wuxu ahaa mujaahid halgaama iyo siyaasi aqoonyahan ah oo qayb laxaad leh ka soo qaatay halgankii naf-hurka ahaa ee dalka lagu xoreeyay, isla markaana door wayn ku lahaa dib-u-dhiskii dalka iyo yagleelkii dawladnimada JSL. Wuxu hore u soo noqday Xildhibaan golaha deegaanka Caasimadda JSL.’ Ayuu yidhi Muuse Biixi. Wuxuuna Allah uga baryay in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa. Qoyskiisii, ehelkiisii iyo Qaranka JSL ee uu ka baxayna Ilaahay samir iyo iimaan ka l wada siiyo.


