M. Haashi

Mohamoud Hashi photo file Araweelonews.com

Halkee Biyo Dhigtay Ololihii Siyaasadeed Ee Kooxda Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Iyo Xildhibaan Cali Mareexaan Ku Doonnayeen In Wasiir Xisri Daaqada Lagaga Saaro?
Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist

Waa Kuwee Maxamuud Xaashi Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan?
Hargeysa(ANN)Warbixinta iyo xiggaha lasoo ururiyay , ayaa sharaxaad kooban ka bixinaya marka hore labadan masuul.
Wasiir Xisri oo hore magaciisu xiligii Daahir Rayaale saaxada siyaasada soo galay kadib markii uu noqday Guddoomiye ku xigeenka Komishankii la kala diray, isagoo xilkaa iska casilay ka hor inta aan la kala dirin ugu danbayntii xubnihii komishanka oo waqtigaa awoodi waayay inay qabtaan doorasho, kuwaas oo waajahay caqabado iyo duruufo siyaasadeed oo ka dhashay muran soo noq-noqday iyo mudo-kordhin xukuumaddii xiligaa ee Daahir Rayaale caadaysatay kadib dib u dhicii marar baddan doorashada oo kala iyo xubnihii komishanka oo u dhegga nuglaaday xukuumaddii xiligaa, ayaa loo arkay inay kala diridoodu lagama maarmaan tahay, waxaana la magcaabay xubno komishan cusub, iyadoo dhinacyada axsaabta mucaardka iyo xukuumaddii talada haysatay isla qaateen xili cayiman oo ay goob joog ka ahaayeen saaxiibada Somaliland oo door weyn ku lahaa sidii xal loogu heli lahaa murankii madhalayska ahaa ee siyaasadeed iyo sidii hore loogu socon lahaa si loo qabto doorashada oo marar baddab dib u dhac ku yimi, taas oo natiijadeedu noqotay doorashadii dhacday 26 Jun 2010 ee Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay.
Maxamuud Xaashi oo ka hor intii aan Xukuumadda Madaxweyne u magcaabin Wasiirka Duulista, wuxuu ahaa siyaasi ka tirsnaa Baarlamaankii hore ee Golohii Wakiiladda ee xiligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal, isla markaana muddo dheer siyaasada kusoo jiray, ilaa sagaashanaadkii oo uu noqday Maayarkii Burco ee xiligii Shirweynii lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland 18 May 1991.
Golihii wakiiladda ee xiligaa oo ahaa kuwo ku yimi habkii saami qaybsiga, wuxuu ahaa Xildhibaan si weyn looga ixtiraamo golaha mucaarad iyo muxaafidba oo saamayn baddan ku lahaa, isla markaana muuqaalkiisa laga arkayay haybad deganaasho, astaamo diimeed, dublamaasiyad iyo Aftahanimo, isagoo ka mid ahaa dhalinyaradii Ururkii Diineed ee Ikhwaan muslimiinka, ka hor intii aanu dhinaca Ururkii SNM iyo goobihii halganka u tallaabin sideetanaadkii.

Wuxuu Magaca Usama kula baxay mucaaradad kulul iyo dhaliilo uu xiligaa u jeedin jiray xukuumaddi Marxuum Cigaal, taas oo sababatay in Madaxweynihii hore Marxuum Cigaal u bixiyo Magaca Usma.
Yagleelidii Xisbiga KULMIYE, waxa lagu tilmaamaa inuu door ku lahaa markii uu Madaxweyne Siilaanyo xisbiga aasaasay, wuxuuna sidoo kale door ku lahaa Ololihii doorashada Madaxtooyada ee 2003, balse guushii la filayay inuu xisbiga usoo hooyo, ayaa meesha ka baxday, taas oo lala xidhiidhiyay qaabkii uu kaanbaynka u maamulay iyo guud ahaanba hawshaa culus oo soo bandhigtay sawir ka duwan kii laga haystay Maxamuud Xaashi, taas oo sabab u noqotay guuldaradii Siilaanyo iyo in Madaxweyne Daahir Rayaale xiligaa ku guulaysto doorashadii, iyadoo Axmed Siilaanyo lagaga guulaystay 80 cod oo muran abuuray, wuxuu ka mid ahaa Maxamuud Xaashi koox Axmed Siilaanyo ku duduucaysay in aanu aqbalin natiijada, isla markaana ku dhawaaqo dawlad, balse wuxuu Mr. Siilaanyo ku dhegaha ka furaystay tallooyinka noocaas ahaa, wuxuuna aqbalay natiijada doorashada. Kadib markii uu dejiyay xamasadii taageerayaasha Xisbigiisa KULMIYE, oo cirka maraysay.
Maxamuud Xaashi oo weli ka mid ahaa Golihii Wakiiladda ee Waqtigaa, balse xukuumaddii Daahir Rayaale waxay xubnihii mucaaradka golaha Wakiilada u aragtay in ay carqalad ku noqon karaan haddii ay kusii jiraan golaha, sababtoo ah waxa jiray koox isku xidhan mudanayasha golaha oo xiligaa Madaxweynihii ka horeeyay ee Marxuux Cigaal duufaano siyaasadeed ku kicin jiray, sidaa awgeed Daahir Rayaale, wuxuu go’aansaday in aanay inta baddan xubnahaa oo golaha kusii jiraa dan ugu jirin, wuxuuna Maxamuud Xaashi iyo xubno kale si hoose u siiyay qadar lacag ah, iyadoo loo dalbay fiisayaal dalka Britain ah. Sidaana wuxuu ugu anabaxay London, isagoo Madaxweyne Siilaanyo ku war helay muddo kadib khiyaamada uu ku sameeyay Maxamuud Xaashi oo xiligaa ka mid ahaa shaqsiyaadka uu aaminsanaa inay halgankiisa siyaasadeed kala midha dhalin karaan.
Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.