SHAKER_1Hargeysa(ANN)Macluumaadkii Ugu Danbeeyay Ee Markii Xukuumadda Somaliland Fasaxday Ee Hubka,warbixin shebekadda Araweelo News Network soo urursay oo la xidhiidha markabka dhowaan xukuumadda Somaliland sii deysay ee lagu qabtay Hubka, ayaa sharaxaad dheeraad ka bixisay macluumaadka la xidhiidha Markabkaa iyo meelaha uu ka yimi, nooca tirada Hubka uu siday, Dareenada ku xeeran, halka uu ku danbeeyay, magacyada iyo Calamada uu kala bedelay mudadii uu shaqaynayay iyo dekeddaha uu soo maray, waxayna warbixintaasi ahayd sidan:-
“Markabka Shaker 1, wuxuu qaataa sanadii u danbeeyay sitay Calanka Dalka Togo, waxaana laga leeyahay Dalka Sudan, Markabka Shakir 1, wuxuu magaciisa iyo calanka uu qaato beddelay marar baddan, tusaale ahaan sanadkii 2000-01-01, wuxuu magaciisu ahaa Vessel Name: MARIO, balse sanadkii 2001-01-01, ayuuu qaatay magaca MARCO V, Mar kale sanadkii 2004-01-01, ayuu Markabka hadda sita Shakir 1, wuxuu qaatay Calanka SAINT VINCENT & GRENADINES oo ah Gasiirada Woqooyiga America (North America), wuxuuna waqyigaa qaatay magaca Vessel Name MAYA I, isla sanadkii 2008-09-01, wuxuu qaatay Calanka Dalka JORDAN, wuxuuna Baddaha ku marayay magaca Vessel Name: AJMAN MAYA.

Wixii waqtigaa ka danbeeyay wuxuu bedelay magaciisa, wuxuuna dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ilaa inta la ogyahay Baddaha ku marayay Magaca Shakir 1, isagoo qaatay Calanka dalkaTogo, waxayna Xukuumadda Somaliland ku qabatay Hub sharci daro ah horaantii bishii hore, kadib markii uu soo galay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, isagoo 19 January 2015, kasoo kicitimay Dekedda Djibouti ee ay Dekedda Berbera Jaarka yihiin, waxa laga dejiyay Badeecad muddo dhawr bilood ah saarnayd oo ay lahaayeen ganacsato Somaliland ah iyo Ethiopian ah.
Markabka Shaker 1, wuxuu Dekedda Dubai kasoo baxay 19 sep 2014, ee kal hore, waxaana waayay ganacsatadii uu baddeecadaha u siday ee u dhashay Somaliland iyo Ethiopia, wuxuu isaka xidhay isgaadhsiinta oo dhan si aan loola soo xidhiidhin, balse mid ka mid ah ganacsatadaa oo u dhashay dalka Ethiopia, ayaa ka hadhi waayay, wuxuu ka dacweeyay meelo baddan, taas oo khasab kaga dhigtay inuu kusoo xidho Dekedda Berbera 19 January 2015.
Markabka, ayaa markaa ka dib la oggaaday inuu sido Hub aan sharci ahayn oo aan ku qornay waraaqaha baddeecadaha maraakiibt iyo doonyaha, ama gaadiidka kale ee Baddu bixiyaan marka ay ku xidhaan dekeddaha sharciga ah, Markabka, ayaa la oggaaday inuu soo maray ka hor intii aanu Dekedda Berbera ee Somaliland iman 11 Dekedood oo dunida ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Yemen Makha, Kenya Mambasa, Djibouti iyo Port Sudan oo dalka Sudan ee laga leeyahay Markabka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa 2 February 2015, ka dejisay Hubkii iyo gaadiidkii uu siday ee gaashaanaa, kuwaas oo ahaa 7 gaadhi oo nooca loo yaqaan Humar oo ay ku rakiban yihiin Qoryaha nooca loo yaqaan Siikawi , waxayna gaadiidkaa qaarkood yihiin kuwa aan rasaastu Karin ee Hummer bulletproof.
Doon kuwa dagaalka ah oo qaadaysa ilaa 200 qof, Hal Bae oo nooca Badda iyo Beriga lagaga dagaalamo ah, hal Taangi oo casri ah iyo Gaadhi nooca Kaare Xanbaarka loo yaqaan, iyadoo dhamaan Hubka la qabtay iyo gaadiidka gaashaaman ay yihiin kuwa ay sameeyaan inta baddan shirkaddaha Maraykanka ee Hubka iyo qalabka Milateriga.

Markabka Shaker 1 oo laga leeyahay dalka Suudaan, waxa Kabtankiisa oo u dhashay Dalka Suuriya iyo Chief Enginerkii oo u dhashay Lubnaan loo taxaabay xabsiga markii ay cadayn waayeen halka ay ka keeneen Hubka ay sideen iyo halka ay ku wadeen, balse waxa sidoo kale warbixinta iyo macluumaadka shebekadda Araweelo News Network ka heshay arrimaha la xidhiidha Markabku sheegayaan inuu ka mid yahay Maraakiib caan ku ah inay Hubka u gudbiyaan qaaradaha, waxaana Kabtanka iyo Chief Enginerkii Markabka markii la qabtay loo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland, ayaa mar keliya mawqifkeedii ku waajahnaa Markabkaa, waxaana la fasaxay saacado ka dib markii laga dejiyay Hubkaa, iyadoo dib loo saaray, iyadoo Xukuumadda Somaliland sheegtay in Dawlada Sudan lasoo xidhiidhay oo ay yeelatay hubkaa oo ay sheegeen in Carwo dhinaca Hubka ah oo ka dhacaysa Dalka Imaraadka bisha soo socota lagu soo bandhiyo, sidaana waxa faraha lagaga qaaday Markabkaa, balse markabka Shaakir 1 ee xukuumadda Somaliland sii deysay dhawr maalmood ka hor, ayaan weli wax war ah laga hayn halka uu u jihaystay, waxaana laga waayay khadka isgaadhsiinta iyo marinada Biyaha Caalaamiga ah ee Baddaha, iyadoo ay jiraan xoggo iyo macluumaad sii xoojinaya qaabka loo xukuumadda Somaliland usii deysay, isla markaana la rumaysan yahay in aanu dhinaca dalka Imaraadka u jihaysan ee uu ka dusay marin kale oo ah meesha uu hubkaa u siday.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inuu jiro shaki iyo dareen weli ku xeeran Markabkaa oo sida macluumaadka iyo xoggaha shebekada Araweelo News Network hore u baahisay, isla markaana xoggo iyo macluumaad cusub oo kale lagu daray ay iftiimiyeen in Markabku yahay mid su’aalo baddani ka taagan yihiin, iyadoo sii deynta Xukuumadda Somaliland iyo qaabkii ay u maamushay hawshiisa si cad u muujisay dublamaasiyada daalaa dhacaysa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah mid aan xidido iyo jirid adag ku taagnayn. Kadib markii saacado kadib markii Hubka laga rogay dib loogu celiyay ee la fasaxay.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com