Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanay cidna gaar u sheegan karin dekedda Berbera, madaarrada iyo hantida kale ee qaranku leeyahay, isla markaana laga fulinayo wixii horumarin lagu samaynayo.
Guddoomiye Biixi waxa uu heshiiska maalgalinta ee dekedda Berbera ku tilmaamay nasiib qaranka Somaliland helay oo loo baahan yahay in laga faa’iidaysto, isagoo meesha ka saaray in la wareejiyo dekedda amma cid kale la siinayo.
“Ballaadhinta dekedda Berbera iyo dhismaha jidka Berbera Corridor waa horumar nasiib ah oo aynu helnay qaran ahaan maanta, waxaan maqlayaa dhawaaqyo dad badan intay soo fadhiistaan tv-yada ku hadlaya dhaliil aan jirin, qaar baa ka gudbaya oo leh annagoo reer hebel ah… Dekeddu waa hanti qaran oo reer iyo koox ma sheegan karto, madaarradu waa hanti qaran, jidadku waa hanti qaran, markaa hantida qaranka ka dhexaysa cidna ma sheegan karto. Hargeysa waa caasimaddii qaranka oo waa loo siman yahay, Ceerigaabo waa magaalo qaran oo gobol. Waxaynu doonaynaa oo himiladeennu tahay qofka ku dhasha Boorama ama Saylac isagoon qaloonayn inuu dego Laascaanood iyo Ceerigaabo. Ma aha waddada, madaarka iyo meel qaranku leeyahay inuu yidhaa anigaa leh oo waan fadhiisanayaa, waayo aabbahay baa degi jiray, afka dadkana kuma hadli karaan oo ummadda ay magaceeda ku hadlayaan lama qabto annagaa idiin sheegaynee, markaa maaha inay meelahaa ka baalo-xoofteeyaan,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku qabsaday hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa habeenimadii Isniinta.
Waxa uu intaa raaciyey, “Dekedda Berbera waa la dhisayaa oo waa la ballaadhinayaa, eray baa dadka lagu xadaa ah Berbera waa la wareejiyey, Berbera cid baa la siiyey. Berbera lama wareejin, lamana wareejinayo oo waa hanti qaran, cidna ma wareejin karto, Berbera waa la ballaadhinayaa oo waddooyinka ku xidha caalamkana waa loo furayaa, hadday awooddeennu gaadho qaar kalena waynu ballaadhinaynaa, madaarradeena waynu ballaadhinaynaa, waddooyinkeenna iyo qarankeenna in aynu wax u qabanno ayaa laga innaga rabaa. Ma waxaynu ku murmaynaa biyo ha la soo saaro, dekedda ha la ballaadhiyo iyo dariiqa ha la ballaadhiyo, dawladda waxa loo doortaa, axsaabta oo dhan iyo qof kastoo masuuliyad saaran tahay in aynu qaranka wax u qabanno oo aynaan dhegaysan nin dhego la’ ama aan garanayn waxa laga hadlayo.”
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay abaabulka xisbigiisu ugu jiro doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan horraanta sannadka dambe ee 2017, waxaannu xusay in KULMIYE haysto fursado badan oo waayo-aragnimo iyo waxqabad xukuumaddiisu fulisay muddadii ay xilka haysay.
“KULMIYE maanta waxa ina horyaal xilligii ololaha oo soo socda, xisbiga inala tartamayaa waa afar ama saddex jir, KULMIYE waa qaangaadh, KULMIYE wuxuu hayaa waddadii uu u jeexay madaxweynaha maanta jooga oo aasaasihiisii ah oo dawladdiisa Somaliland la baxday dawladdii waxqabadka, waxana laga yaabaa in aynu kaga dhabayno waxqabadka oo uu ugu horreeyo in qofka KULMIYE ah ee shaqaynayaa waa inuu shaqeeyaa saacadaha shaqada. Qofka KULMIYE ah ee xil hayaa waa inay ballan noqotaa qof kastoo reer Somaliland ah in aannu xafiiskiisa uga maagin waxba kuu qabanmaayo ama isku qolo ma tihidin ama isku xisbi, waayo xil baa saaran, haddaynaan sidaa yeelina horumar samaynmayno.”
“KULMIYE haddaynu nahay wax badan baynu qabannay intii aynu xilka haynay, waayo-arag hore oo mucaarad baynu ahayn, waxaynu leenahay waayo-aragnimo xisbi oo aynu kaga soo baxnay dhibaatooyin badan oo gudaheenna ah, markaa waa in aynu ogaanno marka hore masuuliyadda qaranka iyo xisbiga gudihiisa ah, in hammadeenu ahaato dalka in aynu wax u qabanno iyo in qofku ogaado in isagana waajib lagu leeyahay isaguna uu dalka xuquuq ku leeyahay ee aanay ahayn uun aniga ayuun baa xuquuq leh,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha ee KULMIYE.