Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)– Barmaamij aqooneed waxtar wayn u leh ardayda ku jirta dugsiyada Sare ee Somaliland, ayaa bilowgiisa lagu dhawaaqay.
Barmaamijkan Oo loo bixiyey Aqoon Jire oo ay iska kaashadeen telefishanka laga leeyahay Somaliland ee Bulshotv iyo Wasaaradda Waxbarashada oo qayb ka ah tayeynayo waxbarashada dalka, ayaa waxa uu yahay duruus taxanne ah oo ka bixi doona telefishanka Bulsho.
Madal lagu daah-furay barmaamijkan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland shalay, waxa si wadajir ah ugaga hadlay masuuliyiinta wasaaraddaasi iyo madaxda telefishanka Bulsho TV.
“Barnaamijka waxaa loogu tala-galay inay ka faa’iidaystaan Ardayda dugsiyadda sare, gaar ahaan Fasalka Afraad oo imtixaankoodii soo dhawyahay, waxaanna Barnaaijkan oo ka bixi doona Bulsho Tv uu yahay casharadii dugsiga Sare oo ay dhigayaan macallimiintii diyaarisay Manhajka qayb ka mid ah. Waxaana uu ka kooban yahay oo ay ardaydu toos u qaadan doonaan casharadda saddexda maado ee Sayniska iyo Xisaabta.” Sidaas waxa yidhi Agaasimaha Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Yaasiin.
Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa isna ugu bushaareeyey ardayda u diyaargaroobaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad inay ka faa’iidaystaan barmaamijkan
“Waa sannadkan uun maadaama Manhajka la qoray sannadkan imtixaanku waxa uu ku koobnaanayaa fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad. Waxaanan leeyahay ardayda dugsiyada Sare ka faa’iidaysta casharradaas Bulsho TV ka bixi doona oo haddaydaan muraayad TV haysan isku dar-darsada oo kooxiba mid ha isugu tagto,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Tifaftiraha guud ee telefishanka Bulsho Mr. Mustafe Sheekh Cumar oo isna madasha ka hadlay, ayaa tilmaamo ka bixiyay barmaamijkan cusub ee lagu tayeynayo waxbarashada iyo waqtiyada ay u qorsheeyeen telefishan ahaan, waxaannu yidhi, “Waxa uu barnaamijku bilaabmayaa 15-ka bishan, maalin walba saacad ayaanu ugu talogalnay laba xiisadood ah, waxaannu baxayaa 4:30 ilaa 5:30 galabnimo maalin walba laga bilaabo Sabtida haddii Ilaahay Idmo. Waxaanan boggaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada oo hawshan lafdhar u ahayd.”
Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay inay dhawaan bilaabayaan dugsi wax lagu baro suxufiyiinta. Sidoo kale, Cabdi-shakuur Haybe iyo Jacfar Axmed Badde oo iyaguna u kala hadlay warbaahinta madaxabannaan iyo ta dawladda ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan.
Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha shirkadda agabka Waxbarashada ee daabacday Manhajka Qaranka Hema Company Maxamed Aadan Maygaag iyo Maxamed Baashe Xaaji Xassan oo ah qoraa iyo suxufi oo tilmaamay in barmaamijkani meesha ka saarayo shaabad fool-xun oo lagu suntay warbaahinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Prof. Cabdi Cali Jaamac, Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xassan iyo Agaasimaha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Waxbarashada Mr. Muuse Maxamed Shide, ayaa iyaguna dhammaantood soo dhaweeyey barmaamijkan iyo waxtarta uu leeyahay dalka.
“Si aynu u gaadhno ummadda horumartay, waxa aynu doonaynaa in aynaan sidii caadiga ahayd u socon ee aynu hore u socono.” Sidaa waxa yidhi Agaasime Prof. Cabdi Cali Jaamac.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in Somaliland lixdamaadkii waxbarashada ku jirtay dalalka ugu horeeya, waxaana uu tusaale u soo qaatay Imtixaan ay galeen waddamadii Ingiriisku gumaysan jiray 1964-kii oo Somaliland kaalinta koowaad ka gashay. Waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in heerkaas la gaadhsiiyo. “Hadyada ugu qaalisan ee Ilaahay aadamiga siiyay waa Cilmiga,” ayuu yidhi Wasiiru dawluhu.
Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane oo soo gunaanaday madashaasi, ayaa ka warbixiyay geedi-socodka hawlaha Wasaaradaasi iyo tacabka ay galiyeen Manhajka cusub ee waxbarashada iyo barnaamijkan Aqoon Jire ee ka baxaya Bulsho Tv, waxaannu yidhi, “Waxbarashadu waa aasaaska nolosha, waxbarashada in aan tayaynana waqtigii loo baahnaa ayeynu taaganahay maanta. Waxaana ku tabarucay barnaamijka Aqoon Jire Bulsho TV.”
Waxa kale oo uu tilmaamay in sannadkan ay rajo badan ka qabaan in dalku helo deeq waxbarasho oo ka badan intii hore oo ay dalal xooggan xidhiidh la sameeyeen.
Laba maamule oo ka kala socday Dugsiga Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf iyo Salaama oo ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay madashaasi, ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan cusub.