Burco (ANN)- Boqolaal qof oo ka mid ah shacabka magaalioyinka Burco. Hargeysa iyo Berbera oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal qaran haya, xildhibaano, siyaasiyiin, mashaayiikh, madaxdhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa Magaalada Burco kaga qaybgalay aaska Marxuum Cumar Abokor Maareeye ku xigeenkii hore Dekedda Berbera.
Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Xamaas xilli uu safar ku jiray, waxaana loo qaaday dhinaca Magaalada Berbera, halkaas oo maamulka degmada iyo masuuliyiin kale kasii gudbiyeen maydka marxuumka si loogu aaso magaalada Burco.
Maareeye ki xigeenkii hore ee Dekedda Berbera Cumar Abokor jaamac, waxay geeridiisu ku noqotay in badan oo ka mid ah bulshada mid muraga ah oo ay si dhow u dareemeen.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kale ee ka qaybgalay aaska Marxuum Cumar Abokor ayaa dhammaantood Muujiyay dareenka murugada geerida marxuumka, waxay ka markhaati kaceen inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo bulshadu jeclayd oo dadka u naxariista, isla markaana ay ka nabadgaleen afkiisa iyo gacantiisa. Sidaa awgeed bulshada kasoo qaybgashay jinaazada marxuumka ee kala yimi. Togdheer, Saaxil, Maroodijeex iyo weliba Caynaba ay markhaati u tahay shaqsuyadii iyo wanaagii marxuum Cumar Abokor oo muddo dheer ahaa Maareeye ku xigeenka Dekedda Berbera.
Masuuli

Qaar ka mid ah Dadka la qaybgalay aaska maareeye ku xigeenkii hore ee Dekedda Bervera marxuum Cumar Abokor , 10 Jan 2025, Burco.
yiinta iyo shaqsiyaaskii kale ee ka qaybgalay aaska marxuumka ayaa geerida marxuumka ka tacsiyeeyay qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland , waxayna Allah uga baryeen denbidhaaf iyo inuu janafardawsa ugu deeqo.
Dhinaca kale. Maamulka iyo hawlwadeenada Shabakaddaha Araweelo_News_Network oo ka murugaysan geerida marxuumka waxay tacsi u dirayaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo shaciga Somaliland, marxuumkana waxay Illaahau uga baryaynaa denbidhaaf iyo illaahay ramadiisa ugu deeqo dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin