Mr.SOLTELCO
Hargeysa (ANN) Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, ayaa digniino u kala diray dad ay sheegeen inay qurbaha kaga urursadaan lacago dhismaha waddooyinka caasimadda iyo golaha deegaanka Balli-gubadle oo digniin gaar ah ay u direen.

Munaasibad ay Maayarka iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa kaga dhawaaqayeen bilawga dhismaha waddada halbawlaha ah oo ka bilaabanta Isgoyska Jigjiga Yar ilaa kaantaroolka galbeedka, waxay ka jeediyeen digniinahaa.

Maayir Solteco oo ka hadlayay bilawga lagu dhammaystirayo jidka weyn ee hormara madaxtooyada Somaliland, waxa uu yidhi; “Waxa aannu bilownay waddada kontonka sanno lagu socon lahaa (haddii Ilaahay yidhaah), waana waddada hormarta madaxtooyada, qaybta aanu bilaabayno waa qaybtii ka bilaabmaysay gooladda Jig-jiga yar ilaa kaantaroolka galbeedna socon doonta, waxaana leeyahay dadweynaha waa inay bixiyaan cashuurta, ta labaadna ka qaybqaataan horumarka caasimadda.”
Waxa kaloo uu xusay in waddada dhismaheedu ku xigi doono jidka hadda la bilaabay ay tahay waddada tagta madaarka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waddadan aannu bilaabnay waa qaybtii ka hadhsanayd waddadiii hore ee madaxtooyada hormaraysay ee ka soo bilaabanta kaantaroolka bari ee Halleeya ilaa Isgoyska Jig-jiga yar, taasoo dadweynaha mara aad ugu raaxaystay, isla markaana ah waddo cimrigeedu dheer tahay, waxaanay waddadan noqonaysaa ilaa Buurta kala jeexan oo afar killo mitir oo sanadkii hore ka hadhay ah, taasoo muddo toddobaad ah ku dhammaanaysay, waxa ku xiggi doona waddada madaarka oo iyana ka bilaabmi doonto Saldhiga Dhexe ee Hargeysa ilaa madaarka, waxaanan leeyahay dadka waddooyinka hortoodda yaal waa inay ka sii guuraan sida ugu dhakhsiyaha badan.”

Maayirka caasimadda, ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey waddo cusub oo ka baxda xaafadda Siinay ee Degmada Axmed-Dhagax, isla markaana u gudbi doonta xaafadaha Masalaha ee degmaddaas, kuna xidhmi doonta xadka u dhexeeya Hargeysa iyo gobolka Awdal, isla markaana ku sii xidhimi doonta jidka taga magaalada Balligubadle.

Maayar Cabdiraxmaan Solteco, ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed-dhagax ee Hargeysa inay ka qaybqaataan dhismayaasha waddooyinka, isla markaana iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee lagu leeyahay, kana codsaday inay tartan la galaan degmooyinka kale ee caasimadda, isagoo digniin u diray maamulka Golaha Degaanka ee degmada Balli-gubadle.

“Waddadan way sii socon doontaa, waxaana leeyahay reer Axmed Dhagax yaan la idinka badin ee la tartama degmooyinka kale, waana inaad kaalinta kowaad iyo labaad ee xaga cashuur-bixinta ku tartantaan,” ayuu yidhi maayirku, waxaannu intaas ku daray; “Halkan aynu taaganahay dhulka galbeed ka xiga ilaa madarasadda ilaa dayrkaa Ilma Cismaan Geele inta u dhexeysa seesaskii afka la isku saaray wax waddooyin ah oo loo dhexmari karaana ma jiraan. Maanta (shalay) laga bilaabo dhulkaasi wuu xayiran yahay, dadkii lahaana waa inay si dhakhso ah u yimaadaan si waddooyin looga saaro, si looga hagaajiyo qorshahoogii hore, waddooyinkii looga banneeyo. Degaanka Mitirka meel ka sokeysa oo Balligubadle qorsheyn karaan ama cashuur ka qaadi karaan ma jirto, waxaan leeyahay maamulka degmadda Balli-gubadle xad baa inoo dhexeeya, maamul waliba xadkiisa ha ku eekaado.”
Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogax) oo ka mid ah golaha deegaanka ee caasimada ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay lacag ku urursadaan dhismaha waddooyinka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan, aad baan ugu farraxanay waddooyinka caasimadda ka socda ee ay waddo dawladda hoose, waxa jira dad qurbaha lacag kaga gurta waddooyin ayaanu ka samaynay caasimadda, waxaan leeyahay dadkaasi waddooyinka waxa shaqo ah kuma laha ee hawshaa waxa leh dawladda hoose, cid kaligeed waddo iska samaysaa ma jirto, wixiii ay ku kaabayaan dawladda hoose waa la ogol yahay, laakiin maaha inay dadka lacag kaga urursadaan waddooyin baanu samaynaya, dadkaas waxaan u digayaa arrintaas, sidoo kale dadka qaar baa sheegtay in biriishka Cawaale Jidhoon oo ay ku baxayso lix boqol oo kun oo dollar ($600,000), taas oo dawladda hoose waddo, waxaaan leeyahay dadka noocaas ku dhaqmayaa ha ka waantoobaan.”
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay odayaasha xaafadda Siinay ee degmada Axmed-dhagax iyo xildhibaannada Golaha Deegaanka qaarkood, kuwaas oo soo dhoweeyey waddooyinkan ka scoda caasimadda Hargeysa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews